Somaliland oo ku eedaysay Dawlada Soomaaliya inay fara-gelinayso maalgashi lagu samayn doono Dekada Berbera

Wasiirka Ganacsiga Somaliland
Wasiirka Ganacsiga Somaliland, Xusseen Dayr

Hargeysa(Puntland Post)-Wasiirka Ganacsiga Maamulka Somaliland Xusseen Aadan Cige(Dayr) oo shir jaraaid ku qabtay Magaalada Hargeysa ayaa ku eedeeyey Dawlada Soomaaliya ee fahigeedu yahay Magaalada Muqdisho inay faragelin ku hayso, doonaysana inay is hortaagto maalgashi ay Imaaraadka Carabtu ku samayn doonaan Dekadda Magaalada Berbera.

Masuulkan ayaa ugu baaqay Dawlada Soomaaliya inay faraha kala baxdo arimaha Somaliland, kuna ekaato arimaheeda u gaarka ah maadama aysan Somaliland kamid ahayn Soomaaliya ayuu yiri Xusseen Aadan Cige.

Somaliland ayaa dhawaan kula heshiisay Imraadka Carabta inay ku wareejin doonaan Maamulka Dekada Magaalada Berbera, si ay ugu sameeyaan maalgashi iyo Horumarin Caalami ah, hase ahaate waxaa soo baxday warar sheegaya inay Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya ka biyo diidsan tahay heshiiskaas, maadama aysan iyada waxba kala socon.

Maamulka Somaliland ayaa isku arka Dawlad ka madax banaan Soomaaliya tan iyo 1991 oo ay burburtay Dawladii dhexe ee Soomaaliya, balse Soomaalida kale iyo Beesha Caalamka ayaa weli u arka Gobal kamid ah Soomaaliya.

Puntland Post