Garowe(Puntland Post)-Maalmihii u danbeeyey degaanada Puntland waxa laga dareemaayey sara u kac aad u balaaran oo ku yimi Sarifka Doolarka, waxaana arinkan ka dhashay tabashooyin mudaharaadyo iyo shaqo joojin iskugu jirey oo ay samaanaayeen Ganacsatada yar yar ee Magaalooyinka Garowe iyo Bosaaso, maadama mar kasta oo uu sarifka Doolarku kor u kaco degaanada Puntland, ay sidoo kalena ay maciishada cirka isku shareerto.
Maamulka Gobalka Nugaal oo kulamo kula yeeshay ganacsatada Magaalada Garowe ayaa balan qaaday inay dareenkooda u gud bin doonaan Dawlada dhexe si arimahan taagan wax looga qabto.
Labadii maalmood ee ugu danbaysay waxaa Magaalooyinka waaweyn ee Puntland laga dareemaayey Sarifka Doolarka oo meeshiisii hore kusoo noqonaaya, waxaana arinkan si aada usoo dhaweeyey Guud ahaan Bulsho weynta reer Puntland, Mid kamid ah sariflayaasha Magaalada Garowe oo la hadlay Puntland Post ayaa u sheegay in soo noqoshada Doolarka ay sabab u tahay iyadoo Dawladu xakamaysay lacagihii faraha badnaa ee Shilling Somaliga cusub ahaa oo maalin walba iyagoo xoogan suuqyada lagu soo dayn jirey, iyo sidoo kale Dawlada iyo ganacsatada Doolarka sarifta oo isku afgartay in halkiisii hore lagu hayo sarifka.
Maalmihii u danbeeyey Sarifka Doolarku wuxuu kor u dhaafay $1=27,000 halka maanta Puntland uu ka ahaa $1=22,000-23,000 Shilling Soomaali ah.
waxaana maanta in badan oo kamid khudbadihii Masaajida Magaalooynka Garowe iyo Bosaaso lagu soo qaatay khatarta ka dhalan karta lacagaha cusub ee sida aan ka fiirsashada lahayn loo soo daabacaayo, Iyadoo Culimadu sheegeen inay xaraan tahay ka macaashida wax kasta oo khatar ku keeni kara nolosha umadda.
Puntland Post