Marwada koowaad ee Puntland oo Jaamacadda Bariga Afrika kaga qayb gashay munaasabad qalin jebin ah

Marwada koowaad ee Puntland Dr’s Hodon Siciid Ciise ayaa maanta Jaamacadda Bariga Afrika xarunteeda Boosaaso kaga qayb gashay munaasibad ay ku qalin jebinayeen dufcaddii labaad ee ka qalin jebisey kulliyadda Injineerinka (Civil Engineering) ee Jaamacadda Bariga Afrika.

Munaasabadda waxaa sidoo kale kasoo qayb galay Wasiirka Duulista Hawada ee dawladda Puntland, guddoomiyaha gobolka Bari, duqqa degmada Boosaaso, xubno ka socdey shirkadaha Isgaarsiinta, xubno ka socdey shirkadaha dhisma, odayaal dhaqameed iyo ardayda wax ka barata Jaamacadda bariga Afrika.

Marwada koowaad ee Puntland Dr’s Hodon Siciid Ciise oo munaasabadda khudbad ka jeedisey ayaa hambalyo u dirtay dhammaan ardaydii ka qalin jebisey kulliyada Injineerinka, isla markaana wax ay ku ammaantay dedaalka dheeraadka ah ee ay ku bixiyeen waxbarashadooda.

Sidoo kale Marwada koowaad ee Puntland oo ah macallimad muddo kusoo jirtey xirfadda macallinnimada ayaa ardayda uga sheekaysay qiimaha ay leedahay waxbarashadu iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay in aan marnaba  laga daalin waxbarashada.

Marwo Hodon ayaa hoga tusaalaysay fursadaha shaqo ee dalka ka jira balse aanay da’yarta waxbaratay ka faa’iideysan isla markaana waxay ku dhiirri gelisey dhallinyarada in ay dalkooda aaminaan ayna la yimaadaan hal-abuurnimo si’ay dalkooda u horumariyaaan.

Ugu dambayn, Marwo Hodon ayaa ka shirkadda CCECC oo ah shirkaddii dhistay garoonka Caalamiga ah ee Boosaaso waxay ka guddoontey qalab kala duwan oo isugu jira qalabka lagu baaro ciidda, dhagaxa iyo jayga oo ay shirkaddu ugu talo gashay in ay ardaydu ay ka faa’iidaystaan, qalabkaas oo Marwo Hodon ay ugu dambayn guddoon siisey Maamulka sare ee Jaamacadda Bariga Afrika.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.
IMG_8342 IMG_8350 IMG_8352 IMG_8353 IMG_8354 IMG_8355 IMG_8357 IMG_8358 IMG_8359 IMG_8360 IMG_8364 IMG_8368 IMG_8371 IMG_8374 IMG_8376 IMG_8378 IMG_8388 IMG_8389 IMG_8390 IMG_8393 IMG_8399 IMG_8403 IMG_8404 IMG_8409 IMG_8410 IMG_8414 IMG_8416 IMG_8418 IMG_8425 IMG_8428 IMG_8432 IMG_8436 IMG_8439 IMG_8441