Yoweri Museveni iyo Kizza Besigye oo labba maalmood oo isku xiga loo caleema saaray Madaxweynaha Uganda

Museveni oo maanta la dhaariyey
Museveni oo maanta uu dhaartay Talada Uganda

Madaxweynaha Mudada dheer ee Dalka Uganda Yoweri Kaguta Museveni ayaa maanta loo dhaariyey shan sano oo kale inuu sii hayo taladda Dalka Uganda markii uu siweyn ugu guulaystay Doorashadii 18-kii Febraayo ka dhacday Dalkaasi.

Munaasabad aad u balaaran oo ay kasoo qayb galeen Madaxweynayaal Afrikaan ah iyo wafuud kale oo Caalami ah uuna kamid ahaa Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa ka dhacday Fagaare weyn oo lagu dhigo xuska munaasabadaha, kuna taal Magaalada Kampala, taas oo talada Uganda loogu cimaamadaayey shan sano oo kale inuu sii hayo Madaxweyne Museveni.

Madaxweynaha ayaa waxaa dhaariyey xaakimka ugu sareeya Maxkamada sare ee Dalkaasi, Isagoo ku dhaartay inuu ilaalin doono,Difaaci, kuna dhaqmi doono qaynuunka u yaal Dalka Uganda.

Hogaamiyaha ugu weyn Mucaaradka Uganda oo xabsiga la dhigay markii uu isna Madaxweyne isku cimaamaday

Kizza Besigye oo xabsi la dhigay markii uu Madaxweyne isku cimaamaday
Kizza Besigye oo xabsi la dhigay markii uu Madaxweyne isku cimaamaday

Ciidamada Booliska Dalka Uganda ayaa shalay xabsiga u taxaabay Hogaamiyaha ugu weyn Mucaaradka Dalka Uganda Dr Kizza Besigye markii uu si iskiis ah u qabsaday munaasabad uu iskugu caleema saaraayo Madaxweynaha Dalka Uganda, Muqaal la baahiyey ayaa la arkaayey Kizza Besigye oo u dhaaranaaya inuu yahay Madaxweynaha Uganda.

Kizza Besigye oo kalinta labaad ka galay Doorashadii Guud ee Dalkaasi ayaa aaminsan in la musuqmaasuqay Doorashadaasi uuna isagu ahaa ruuxii sida saxda ah ugu guulaystay Doorashadaasi, in ku dhow toban jeer ayaa xabsiga la dhigay Ninkaa mucaaradka ah tan iyo Bishii Febraayo oo ay Dalkaas ka qabsoontay Doorashooyinkii Guud.

Raisul Wasaarihii hore ee Dalka Uganda Amama Mbabazi oo isna kamid ahaa Murashixiintii uu tartamay taladda Uganda ayaa uga astakooday Maxkamada sare ee Uganda sidii loo gacan bidixeeyey Doorashadii Dalka walow markii danbe ay Maxkamadu joojisay dacwadii Amama.

Madaxweyne Museveni ayaa Taladda Dalka Uganda Jabhadayn kula wareegay  sanadkii 1986, waxaana Dalkaas lagu dhaliila inuu kamid yahay Dalalka ugu liita dhanka xoriyada hadalka iyo Dimuqraadiyada walow uu doorashooyin uu isagu ku guulaysto qabtay 30-kii sano ee uu Dalka soo xukumaayey.

Daawo Hogaamiyaha Kizza Besigye oo u dhaaranaaya Madaxweynaha Uganda

Puntland Post