Hargeysa(Puntland Post)-Cabdillaahi Cismaan Jaamac (Geeljire) oo kamid ah Gudiga ictiraaf raadinta Somaliland, xilal kala duwana kasoo qabtay Xukuumada Madaxweyne Axmed Maxamed Silaanyo oo shir Jaraaid ku qabtay Magaalada Hargaysa ayaa si aada u cambaareeyey habkii Madaxweyne Silaanyo loogu maamusay Caleema saarkii Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.
Geeljire ayaa sheegay in Goobtaas si aada hoos loogu dhigay meeqaamka Somaliland, isla markaana lagu bahdilay Madaxweyne Axmed Silaanyo, wuxuuna eedayn kulul dusha uga tuuray Dawlada Jabuuti oo arinkan samaysay.
Wuxuu sheegay inay si aada uga xumaadeen dhamaan Shacabka Somaliland sidii hoosaysay ee loola dhaqmay Madaxweynaha Somaliland, wuxuuna tilmaamay in la fariisiyey meel ka hoosaysa halkii ay fadhiyeen Madaxdii Wadamada kasoo qayb galay caleema-saarkan.
Cabdillaahi Geeljire ayaa tilmaamay in Madaxweyne Silaanyo uu kamid noqday shacabkii sacabka u tumaayey Madaxweynayaashii Munaasabad kasoo qayb galay oo uu kamid ahaa Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh oo la fariisiyey meel meeqaam saraysa.
Hadalka Masuulkan ayaa kusoo aadaya xili si aada baraha bulshadu ku kulanto looga hadal hayo, halkii la fariisiyey Madaxweynayaasha Puntland iyo Somaliland oo ahayd meel ka duwan halkii ay fadhiyeen Madaxda kale ee Caleema saarkan kasoo qayb gashay, Somalialnd ayaa isku aragta Dawlad ka madax banaan Soomaaliya waana tan keenaysa inay si aada uga xumaadaan halka la fariisiyey Madaxweyne Silaanyo.
Puntland Post