Madaxwayne ku xigeenka oo ka qayb galay kulan lagu daahfurayo guddiga Doorashooyinka Puntland

13164386_1181212005256841_2228484126533319476_nGarowe(Puntland Post) Madaxwayne ku xigeenka Puntland iyo Afhayeenka Baarlamaanka ayaa ka qayb galay shir hadda ka socda xarunta PDRC ee Garowe, kaasoo lagu daahfurayo guddiga doorashooyinka KMG ah ee Puntland.

Shirkan oo ay soo qaban qaabisay PDRC ayaa waxaa sidoo kale joogo saraakiil ka socda Interpeace, UN-ka iyo dhammaan xubnaha guddiga, waxaa laga soo jeedinayaa inta ay munaasibadani socoto khudbado kala duwan oo dhammaan tood ku fadhiya guddiga iyo shaacintiisa inuu shaqadiisii bilaabay.

Dhismaha guddigan ayaa la sugayay in muddo ah ,waxaana lagu wadaa wixii ka dambeeya maanta inuu si rasmi ah u guddo galo shaqooyinka horyaala oo ay kow ka tahay wacyi galinta howlaha dimoqraadiyadda iyo hanaanka axsaanta, maadama dowladdii Farole ay ku fashilantey inay dalka nidaamkaasi ka hir galiso.

PUNTAND POST