Ka qayb qaado bad-baadinta carruurta ku waxbarasho beeshay degmada Xaabbo

Kulan lagu taageerayey isla markaana dhaqaale loogu aruurinayey sidii iskuul looga hir gelin lahaa xaafadda dayaxa ee degmada Xaabbo ee gobolka Gardafuu ayaa lagu qabtay Xarunta Jaamacadda Bariga Afrika ee magaalada Boosaaso.

Kulanka ayaa muddadii uu socdey waxaa lagu soo bandhigay Filim Documentary ah oo loogu magac daray WAABAN MAYNO, kaas oo  ka sheekaynaya dhibaatada ay u maraan ilmahaasi  raadinta waxbarashada.

Sidoo kale intii uu kulanku socdey waxaa lagu lafa guray sidii looga badbaadin lahaa ilmaha ku dhimanaya maalin walba jaam biyoodka dhexmara magaalada Xaabbo, kaas oo sababa in ay  naftooda  ku waayaan  ilme yar oo waxbarasho raadinaya.

Dhammaan kasoo qayb galayaashii kulanka ayaa ku yaboohay dhaqaale ay kaga qayb qaadanayaan wax ka qabashada ilmahaas yar yar oo dhibaataysan, sidoo kalena waxaa laga codsanayaa dhammaan ummadda Islaamka in ay ka qayb qaataan gurmadkaas lagu  badbaadinayo ubaxa soo koraya.

Sidoo kale waxaan halkaan idiinku soo bandhigaynaa Akkoono loogu talo galay dadka samaha jecel ee khayrka raadinaya in ay kaga qayb qaataan gurmadka loo fidinayo ubadkaa yaryar.

AMAL BANK

MAGACA ACCOUNT-KA: GURMADKA ISKUULKA XAAFADDA DAYAX EE XAABBO.

ACCOUNT NUMBER: 1011833381.

 

IFTIN BANKD

MAGACA ACCOUNT-KA: GURMADKA ISKUULKA XAAFADDA DAYAX EE XAABBO.

ACCOUNT NUMBER: KHG495.

 

SALAAM BANK

MAGACA ACCOUNT-KA: GURMADKA ISKUULKA XAAFADDA DAYAX EE XAABBO.

ACCOUNT NUMBER: 8018-7923

 

SAHAL ACOUNT: 460633.

ADDRESS: 252907795949 AMA +447402779063.

 Hoos ka daawo Filimkii Documentary-ga ahaa oo laga diyaariyey dhibaatada haysata dhallaanka ku dhaqan  Xaabbo.

10406767_805712302894309_7156475045579628830_n 13081618_1700969916844538_1656420283_n 13101125_1700970246844505_214277848_n 13113151_1700968830177980_820743681_o 13115719_1700969030177960_685679260_n 13140762_1700967826844747_1054393215_n 13140957_1700969513511245_978529081_n 13152835_1700968396844690_601505742_n 13153294_1700968883511308_490593196_n 13153373_1700965693511627_158409945_n 13153379_1700969703511226_1149045867_n 13153405_1700970050177858_2006295315_n 13153420_1700968763511320_219784228_n 13162109_1700968980177965_817476779_n 13162224_1700969493511247_1191224788_n 13162361_1700967230178140_726424825_n 13180877_1700967316844798_1736519331_n 13183044_1700965870178276_520696689_n 13183139_1700969463511250_1453543762_n 13183203_1700967593511437_1134101973_n