Gudoomiyaha guddiga doorashooyinka Puntland oo codsaday in lagala shaqeeyo howlaha horyaala

Garowe(Puntland Post) Munaasibadda lagu daahfurayay guddiga doorashooyinka Puntland waxaa goob joog ahaa madaxwayne ku xigeenka Puntland, Afhayeenka Baarlamaanka iyo saraakiil sar sare oo ka socda Hay’addaha taageera Soomaaliya.

Bilowgii kullanka waxaa ka hadlay Cali Faarax Farmayeeri oo ka tirsan Hay’adda kulankan soo qaban qaabisey ee PDRC, wuxuu sheegay ahmiyadda uu lee yahay in la bilaabo arrimaha hanaanka dimoqraadiyada iyo geedi socodka nidaamka axsaabta badan, Faarax ayaa sidoo kale sheegay inay maanta farxad u tahay in guddiga TPEC ee doorashada daahfur loo sameeyo.

Gudoomiyaha guddiga doorashooyinka Puntland Axmed Maxamed Cali ayaa madasha munaasabada horteeda ka balanqaaday inay si waafaqsan dastuurka iyo xeerarka doorashooyinka ugasoo bixidoonaan waajibaadkooda shaqo, wuxuuna ka codsaday dowladda Puntland, beesha caalamka iyo shacabka Puntland inay ka qeyb qaataan taabo gelinta howlaha doorashooyinka madaxa bannaan, isagoo dhinaca kale sheegay inay wadda-shaqayn joogto ah la yeelandoonaan cid walba oo daneynaysa sidii Puntland looga hirgalin lahaa doorashooyinka xibsiyada badan.

Gudoomiyaha dallada Punsaa Nuur Shirre Cusmaan oo xaflada ka hadlay ayaa balanqaaday urarada bulshada inay gacmo furan kusoo dhowayndoonaan guddiga doorashooyinka Puntland islamarkaana ay ku taageeridoonaan sidii uu uwajihi lahaa shaqooyinka ee horyaala si loo baahiyo dimuqraadiyada.

Wasiirka dastuurka, dimuqraadiyada iyo arrimaha federalka Puntland Cali Ciise ayaa sheegay guddiga doorashadu inay yihiin dallad ay cid walba oo Puntland ah hoos imaanayaan, loona baahan yahay in lala shaqeeyo. Wasiirka dastuurka wuxuu cadeeyay inay dhankooda guddiga kala shaqayndoonaan waxbarashada madaniga ah iyo latashiga dadweynaha, si bulshada loogu diyaariyo dimuqraadiyada.

Gudoomiyaha barlamaanka dowladda Puntland Axmed Cali Xaashi ayaa sheegay guddigaan inay yihiin guddi aad u nasiib badan oo ay udiyaarsan yihiin dhamaan xeerarkii ay ku shaqeyn lahaayeen, sidoo kale ay haystaan waqti ku filan oo aysan helin guddiyadii ka horeeyay, wuxuuna dhinaca kale ubalanqaaday inay ku taageeridoonaan wixii ka horyimaada oo carqalad ah sida xuduudaynta degmooyinka.

Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland oo rasmi u daahfuray guddiga doorashooyinka Puntland ayaa madasha horteeda kula dardaarmay guddiga doorashooyinka Puntland inay waqtiga ay haystaan dadka reer Puntland ku gaarsiiyaan doorashooyin xor ah oo si nabad gelyo ah ku dhaca, wuxuuna xasuusiyay in aysan ahayn kuwo meel cidlo wax ka bilaabay._DSC4590 _DSC4593 _DSC4595 _DSC4596 _DSC4597 _DSC4598 _DSC4600 _DSC4602 _DSC4603 _DSC4604 _DSC4605 _DSC4606 _DSC4608 _DSC4609 _DSC4610 _DSC4612 _DSC4616 _DSC4617 _DSC4618 _DSC4619 _DSC4620 _DSC4621 _DSC4623 _DSC4624 _DSC4626 _DSC4628 _DSC4637 _DSC4640 _DSC4644 _DSC4645 _DSC4650 _DSC4655 _DSC4659 _DSC4661 _DSC4662 _DSC4665 _DSC4666 _DSC4667 _DSC4670 _DSC4671 _DSC4672 _DSC4676 _DSC4677 _DSC4681 _DSC4684  _DSC4687

PUNTLAND POST