Gobal ku yaal Hindiya oo si aada looga carooday markii Raisul Wasaaraha Dalkaas lamid dhigay Soomaaliya

Mid kamid ah Sawirada loogu jawaabay Raisul Wasaaraha Hindiya
Mid kamid ah Sawirada loogu jawaabay Raisul Wasaaraha Hindiya

Dadka Gobalka Koonfurta Kerala ayaa si aada uga xumaaday hadal kasoo yeeray Raisul Wasaaraha Dalka Hindiya Narendra Mod oo Gobalkaas ku tilmaamay inuu ka hooseeyo Dalka Soomaaliya marka loo eego dhimashada Caruurta iyo daruufaha adag ee ka jira.

Dadka isticmaala Baraha Bulshada iyo Siyaasiyiinta Gobalkaas ayaa si adag ugu jawaabay Raisul Wasaaraha waxayna ku tilmaameen inuu meel weyn uga dhacay Gobalkooda markii uu la barbar dhigay Dalka ay Colaaduhu ragaadiyeen ee Soomaaliya.

Rasiul Wasaare Mod ayaa Gobalkaas ku tilmaamay mid ay ragaadisay Qabyaalad,Dhimasho iyo dhibaatooyin kale oo waaweyn oo si aada ugu eg daruufaha ka jira Soomaaliya.

Wasiirka Gobalka Kareela ayaa qoraal uu u diray Raisul Wasaaraha Dalkaas ka dalbaday inuu si degdeg ah raali gelin uga bixiyo hadalkii uu ugu gafay Gobalkiisa.

Dhinica Kale Dalka Soomaaliyeed ayaa qofka ay durayaan ugu yeera erayga”Hindi” ama qof kaasi waa Hindi, Iyagoo Dadka Hindida ah ka aamisan kuwa aad u liita, Taas badelkeedana Marka la joogo Hindiya waxaa laga haysta Soomaaliya fikir ah inay tahay halka Caalamka ugu liidata, taas oo ka dhigan kaaf iyo kala dheeri.

Puntland Post