Muqdisho(Puntland Post)-Raisul Wasaare Ku-xigeenka Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cumar Carte oo Warbahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa ugu baaqay masuuliyiinta Dawladu inay ilaaliyaan hantida Qaran ee ay gacanta ku hayaan mudada lagu guda jiro Mar xalada kala guurka ah.
Mr Carte ayaa tilmaamay in Hantida Dawlada aan looga faaidaysan karin mar xalada kala guurka ah, ayna tahay waajib saaran masuul walba in sida ay tahay uu u wareejiyo hantida Dawliga ah ee uu gacanta ku hayo, si loo ilaaliyo Dawlada Dalka.
Raisul Wasaare ku-xigeenka ayaa intaa ku daray in masuul walba oo xafiis jooga lagula xisaabtami doono hantida uu gacanta ku hayo, talaabana laga qaadi doono qofkii aan sida ay tahay u wareejin.
Soomaaliya oo gashay Mar xalad kala guur ah ayey Dad badan ka wel-welsan yihiin in la lunsado hantida Qaranka mudada kala guurka lagu jiro.
Puntland Post