Xassan Sheekh oo sheegay inay ka adkaadeen xarakada Al-shabaab

Garowe(Puntland Post)-Madaxweynaha Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xassan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inay ka adkadeen Kooxda Al-shabaab mudadii uu ahaa Madaxweynaha Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay Ciidamada Dawlada oo Gacan ka helaya Ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM inay araxda ka jabiyeen Xarakada Al-shabaab.

Xassan Sheekh ayaa sheegay inay horumar weyn Dawladu ka samaysay dagaalka ay kula jirto kooxdan, ayna Ciidamada Qaranka iyo kuwa AMISOM gaareen meel aan la gaarin 10-kii sano ee ay Al-shabaab ka dagaalamaysay Gudaha Soomaaliya.

Madaxweynuhu wuxuu intaas ku daray inay Dawladiisu ku dadaalayso sidii loo soo celin lahaa dhalinyarada Soomaaliyeed ee ay Al-shabaab qaladay, loogana shubi lahaa fikir qaldan waa sida uu hadalka u yiriye.

Hadalka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xili kooxda Al-shabaab ay hawl-galo, qaraxyo iyo Dilal qorshaysan ka fulinayso meelo kamid ah Soomaaliya oo ay Magaalada Muqdisho ugu daran tahay, walow waayadii u danbaysaba ay kooxdaasi luminaysay dhul muhiima oo ah Koonfurta Soomaaliya.

Puntland Post