Dawlada Soomaaliya oo shaacisay inay bilaabatay qorista shaqaale loo qaadaayo Sacuudi Carabiya

Muqdisho(Puntland Post)-Wasiir Ku-xigeenka Shaqada iyo Bulshada Dawlada Federaalka ah Cismaan Libaax Ibraahim oo maanta Shir jaraaid ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa ku dhaawaqay inay bilaabatay qorista shaqaalihii loo qaadi lahaa Dalka Sacuudi Carabiya, lana qaadi doono labba kun oo qof oo ah dufcada ugu horaysa.

Wasiir Ku-xigeenka ayaa tilmaamay in shaqaalaha loo qaadi doono sacuudiga ay iskugu jiraan Darawalo,Xirfadlayaal,xoogsato iyo shaqaale Caafimaad, wuxuuna sheegay inay u xil saareen Shirkaddo Soomaaliyeed diwaangelinta Shaqaalahan.

Dawlada Soomaaliya ayaa sheegaysa inay shaqaalahani fursad u noqon doonaan dhalinyarada Soomaaliyeed ee looga maara la yahay tahriibka, argagixisanimada iyo Burcad Badeednimada, ayna noqon doonto shaqa abuur weyn.

Shaqaalahan loo qaadaayo Sacuudiga waxaa ka dhashay hadal hayn badan, Iyadoo Dad badan ku tilmaameen wax aan haboonayn in Dhalinyaro Soomaaliyeed siiba Gabdhaha loo qaado Sacuudi Carabiya, walow in badan oo Bulshada ahna soo dhaweeyeen arintan.

Puntland Post