Madaxwaynaha Puntland oo maanta laga sugayo magalada Bosaso

Bosaso(Puntland Post) Madaxwaynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa lagu wadaa saacadaha soo socda inuu soo gaaro magalada Bosaso ee xarunta Gobalka Bari.

Madaxwayne Gaas ayaa dalka Jabuuti u aaday ka qayb galka xaflada caleemo saarka madaxwaynaha marka kale lasoo doortay ee Ismaaciil Cumar Geelle sidoo kale waxa uu Jabuuti ku booqday wasirka Amniga Puntland oo ku dhaawacmay is gacan qaaday dhexmaray Taliyaasha ciidanka Booliska iyo Birmadka.

Dr.Cali ayaa warbaahinta la hadli doono markuu soo gaaro Bosaso, walow dhoofitaankiisii Jabuuti uu ka gaabsaday inuu su’laaha saxaafada ka jawaabo.

Shacabka ayaa cabasho ka muujiyay sicir bar iyo qiimaha sarifka lacagta oo maalmihii lasoo dhaafay cirka isku sharaartey, taasoo dowladdu ilaa iyo hadda waxba ka qaban.

PUNTLAND POST