Muqdisho(Puntland Post)-Wasaarada Dulista Hawada Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa urur Gobaleedka IGAD kala wareegtay qalab Muhiim ah oo lagu Maamuli doono Cimilada dhanka Duulimaadka, waxaana Wasaarada Qalabkan ku wareejiyey Dr Guuleed Cartan oo ah Agaasimaha Hawada iyo Beeraha IGAD iyo Maxamed Cabdi Afey oo ah u qaybsanaha IGAD ee arimaha Soomaaliya.
Agaasimaha Hawada iyo Beeraha urur Gobaleedka IGAD Dr Guleed Cartan ayaa tilmaamay inuu qalabkani faa’idooyin badan u yeelan doono Dalka gaar’ahaan duulimaadka, wuxuuna sheegay inuusan noqon doonin kii ugu horeeyey oo ay IGAD ku caawiso Wasaarada Dulista Hawda iyo Garoomada Soomaaliya.
Maxamed Cabdi Afey ayaa ku tilmaamay Guul weyn inay Soomaaliya hesho qalabkan Muhiimka ee lagu Maamuli doono Hawada Soomaaliya, wuxuuna sheegay inay IGAD mar walba Soomaaliya ka garab geli doonto baahiyaha daruuriga ee ay u baahan tahay.
Wasiirka Dulista Hawda iyo Gadiidka Axmed Jaamac Jaangeli ayaa si aada uga Mahadceliyey qalabkan Muhiimka wuxuuna sheegay inay sida ay tahay uga faa’idaysan doonaan, ayna wax tar weyn u tahay Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed.
Dawlada Soomaaliya ayaa lagu wareejiyey Maamulka Hawada Soomaaliya xili ay tan iyo 1992 ay gacanta ku haysay Hay’adda Dulimaadka aduunka ee loyaqaan ICAO.
Puntland Post