Wasiir ku xigeenka Maaliyada DFS oo lagu soo dhaweeyay magalada Bosaso

Bosaso(Puntland Post) Wasiir ku xigeenka wasaradda Maaliyada dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamuud Hayir Ibraahim ayaa maanta soo gaaray magalada Bosaso ee xarunta Gobalka Bari.

Wasiirka Qorsheynta Puntlad Shire Xaaji Faarax, wasiir ku xigeenka ganacsiga Cabdirisaaq Nuur Cumar iyo ganacsato ayaa masuulkan kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha magalada Bosaso.

Wasiir ku xigeenka ganacsiga Cabdirisaaq Nuur oo ugu horeyn saxaafada la hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay soo dhawaynta wasiir Hayir.

Maxamuud Xayir Ibraahim oo sidoo kale ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa inta uu jooga magalada Bosaos inuu sameeyo kulamo kala duwan isla markasna tago deegaano ka baxsan Bosaso.

PUNTLAND POST