Ugu yaraan 5 qof ayaa ku dhimatay qarixii ka dhacay xarunta Taraafikada Muqdisho

Muqdisho(Puntland Post)-Xili uu Saakay Qarax ismaadamin ah oo loo adeegsaday gaari lala beegsaday xarunta Ciidamada Taarafikada Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa soo baxaaya warar dheeraad oo ku aadan qaraxii halkaas ka dhacay iyo sida uu u fuliyey naftii haligihii Qaraxa Fuliyey.

Afhayeenka Maamulka Gobalka Banaadir Cabdifitaax Cumar oo saxaafada kula hadlay halka uu qaraxu ka dhacay ayaa ka tacsiyeeyey Dadkii halkaas ku wax yeelobay, isagoo sheegay inay Ciidamada Amnigu fashiliyeen nin kale oo hubaysnaa kaas oo doonaayey marka uu Qaraxu dhaco inuu gudaha u galo xarunta Ciidamada balse ay toogteen Illaladii goobtaas joogtey.

Qaraxan ka dhacay halka loo yaqaan Fiisha Tarafiko ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 5 qof oo ay ku jiraan labbadii nin ee weerarkan fuliyey, halka ay ku dhaawacmeen intaa in ka badan.

Magaalada Muqdisho oo hoy u ah qaraxyada iyo Dilalka qorshaysan ayaa maalmihii u danbeeyey ka yara nasatay weerarada noocaan ah.

Puntland Post