Hay’adda HADMA oo Garowe ku qabatay shir ku saabsan dejinta siyaasada ku adkaysga aafooyinka

Garowe(Puntland Post) Hay’adda Maareynta masiibooyinka ka hortaga Puntland ee Hadma ayaa maanta magalada Garowe ku qabatay shir looga hadlayo fulinta qorshaha dejinta u adkeysiga aafooyinka kaasoo ay iska kaashadeen wasaradda Qorsheynta dowladda Federaalka iyo Hay’addan.

Masuuliyiinta shirka ka qeybgalay ayaa waxaa ka mid ah Xubno ka tirsan Golaha Wakiilada Puntland qaar ka mid ah Madaxda iyo Shaqaalahaaha Hay’ada Caalamiga ah Kuwa Gudaha iyo xeel dheerayaasha Arimaha Afooyinka.

Wasiir ku xigeenka Wasaarada Qorsheynta Puntland Siciid Faarax Maxamuud Ocha ayaa ugu horeyn shirkan Daah furay Waxana uu ka Waramay Muhiimada uu shirkan leeyahay iyo Qaabka ay Puntland u dooneyso in ay u Dejiso Qorsha u adkeysiga Afooyinka.

Cabdullaahi Cabdiraxmaan Axmed (Cayrow) agaasimaha Hay’adda ka hortaga Maareynta Musiiboyinka Puntland ee Hadma ayaa dhankiisa Warbaahinta u sharaxay inta ay la eg tahay Qasaraha Dadka Xoolaha dhaqatada ah ka soo gaartay Duufaanadii iyo Abaarihii kale duwanaa ee soo Maray Gudaha Puntland.

Dhanka kale masuuliyiinta Dowlada Federaalka Somalia ee socdey ee ka yimi magalada Muqdisho waxaa hogaaminay Abdi Axmed Mohamed Baafo oo ah la Taliyaha Xafiiska Reysalwasaaraha Somalia ee dhanka u adkeysiga Aafooyinka.

Dadka u dhuun daloola Arimaha Afooyinka ayaa waxay sheegayaan in hadii sidan ay usii socota iskaashiga Dowlada Somalia iyo Maamul goboledyada Dalka wax weyn laaga qaban Karro dhibaatooyinka ka dhasha-Daadadka Abaaraha iyo Duufaanada.
PUNTLAND POST1-3

2-1

4-1

5-3

6-1

7-1

8-1

9-1

10-1

11-1

13-1

14-1

15-1