Guddiga uu Baarlamaanku u saaray heshiiskii hanaanka Doorashada oo wax ka badelaaya qodobadii Heshiiskaas

Muqdisho(Puntland Post)-Hogaanka Baarlamaanka Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya aya Gudi ka kooban 21 xildhibaan oo katirsan Baarlamaanka hada iyo 5 kale oo katirsan Baarlamaanadii hore u saaray kasoo talo bixinta Heshiiskii ay Magaalada Muqdisho ku gaareen Madaxda Dawlada Federaalka ah iyo kuwa Maamulada Dalka ee ku aadanaa sida ay noqon doonto Doorashada sanadkan ka dhici doonta Dalka.

Raisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid ayaa 30-kii Bishii hore u gudbiyey Baarlamaanka inay kasoo talo bixiyaan Heshiiska Hanaanka Doorashada, waxayna Baarlamaanku arimahaas u saareen Guddi gaar ah oo soo faqida arimahan isbadela ku sameeya wixii loo arko inaysan u cutamin umadda Soomaaliyeed.

Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamed oo katirsan Gudiga arimahan loo saaray ayaa sheegay inay leeyihiin kulamo aan loo kala kicin ayna dhawaan isbadelada ay heshiiskaas ku sameeyeen soo hor dhigi doonaan Baarlamaanka si ay cod ugu qaadaan.

Warar hoose oo laga helaayo Gudigan ayaa sheegaya inay durba isbadelo ku sameeyeen ayna meesha ka saareen qaar kamid ah Qodobadii ku xusnaa Heshiiskii Magaalada Muqdisho.

Heshiiskii Hanaanka Doorashada ayaa awood dheeriya siinaayey Madaxda Maamulada Dalka oo qaarkood ah lagu tuhunsan yahay inuu hunguri kaga jira tartanka Madaxtinimo ee Dalka.

Puntland Post