Ururka HADO oo soo bandhigay wax yaabihii uu qabtay, xafiis cusubna ka furtay Garowe

Garowe-(Puntland Post)-Ururka HADO ayaa maanta oo sabti ah waxaa uu xafiis ka furtay magaalada Garowe, munaasabad ka dhacday xarunta Ha’yadda cilmi barista Puntland ee PDRC oo ay ka qayb galeen wasiiradda Waxbarashada, shaqada iyo shaqaalaha iyo Agaasimaha guud ee Caafimaadka ayuu ururku kusoo bandhigay furitaanka xafiiska iyo waxaabihii uu ka qabtay gobolada bari,Gar’dafu iyo Kar kaar oo uu ka shaqeeyo.

Intay Munaasabadu socotay waxaa lasoo bandhigay muqaalo ka turjumayey meelihii ay HADO tagtay iyo baahiyaha ka jira oo ah waxbarasho, Caafimaad iyo biyo nadiifa.

Waxay kaloo soo bandhigeen siday abaartu usaamaysay dadka reer guuraaga ah ee ku nool goboladaas , waxayna dadkuaasi tilmaameen in xoolohoodii intii badnayd kalaysay abaartu.

Dadkii ka soo qayb galay munaasabadda waxaa saameeyey Muuqaal ka turjumayey badda oo kala xirtay magaalada Xabo waxayna saamayn ku yeelatay carruurta iskuulka aada, iyadoo magaaladu kala noqoday labo xaafadood oo si lays saga gud baa adagtay.

Carruur dhowra ayaa la sheegay inay badu liqday, kadib markii ay damceen inay badda ka gud baan si ay u aadan dugsiga, waxaana laga bad baadiyey kuwo badan.

Agaasimaha Ha’yadda Haddo Cabdiqani Daahir Yuusuf ayaa sheegay in HADO ay ka shaqayso arimo oo ay kamid yihiin Nafaqaynta, Waxbarashada, xirfadaha gacanta, iyo wacyi galinta bulshada, wuxuuna tilmaamay inay ka howlgalaan magaalooyinka Qardho, Garowe, Kismaay iyo Nairobi.

Cabdirisaaq Xirsi Xasan Agaasimaha wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegay in deegaanada ay soo bandhigtay HADO ee ka cabanaya caafimaad la’aanta qorshaha dhow uu ugu jiro sidii loo gaarsiin lahaa, wuxuuna intaa ku daray in 41 xarumood dhawaan wasaaraddu ka furtay goboladaas deegaano ka mid ah.

Wasiirka Shaqada , Shaqaalaha, Dhalinyarada iyo Cayaaraha ayaa isna tilmaamay dowladdu ay qorshe ka leedahay deegaanadaas , islamarkaana baahiyaha ka jira ay u gud bin doonaan goloha xukuumadda .

Wasiirka Waxbarashada ayaa ugu horayn HADDO uga mahad celiyey shaqada ay hayaan iyo sida ay usoo gud biyeen baahida dadka, wuxuuna xusay in meelaha caqabadaha waxbarasho ka jirto wasaaraddu ka howl gali doonto.

Ururka HADO oo ah urur ka shaqeeya arimaha gar gaarka iyo hormarka ayaa la asaasay sanadii 2005tii, wuxuuna soo bandhigaa baahiya haysta dadka aan codkooda la maqal.

Sawirro.
1

2

3

5

6

PUNTLAND POST