Jabuuti(Puntland Post)-Madaxweynihii hore ee Dawlada Federaalka ah Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa Hoteladda ay Magaalada Jabuuti ka degan yihiin kula kumay Madaxweynayaasha Puntland iyo Somaliland Cabdiweli Maxamed Cali iyo Axmed Maxamed Maxamuud, iyagoo kawada hadlay Mar xalada Dalka iyo Doorashooyinka sanadkan kusoo fooleh Soomaaliya.
Kulamada ay Madaxdani qaateen ayaa ahaa mid ay albaabadu u xiran yihiin si dhabana looma xaqiijin karo wax yaabaha diirada lagu saaray, illo ka ag dhow ayaase sheegaya inay kawada hadleen Doorashooyinka sanadkan ka dhici doona Dalka iyadoo loo badinaayo inuu Sheekh Shariif Sheekh Axmed yahay Murashax u taagan Jagadda Madaxtinimo ee Dalka.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa kamid ah Madaxda gaaray Dalka Jabuuti si ay uga qayb galaan Caleema saarka Hogaamiyaha dib loo soo doortay ee Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.
Warar si aada la iskula dhex maraayey maalmahan ayaa sheegaya in Sheekh Shariif iyo Faroole ay ka qayb geli doonaan Munaasabada Sanag Guurada Somaliland ee 18-ka May.
Puntland Post