Jabuuti(Puntland Post)-Magaalada Jabuuti oo ah Caasimada Dalka Jabuuti waxaa maanta ka socda munaasabad aad u balaaran oo uu Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle loogu caleemo saaraayo Taladda Jamhuuriyada Jabuuti 5 Sano oo hor leh.
Madaxweyne Gelle oo si weyn ugu guulaystay Doorashadii dhawaan ka dhacday Dalkaas ayaa waxaa caleema-saarkiisa kasoo qayb galay Madax ka socotay Qaarada Afrika oo ay ku jiraan illaa Lix Madaxweyne oo ka socda Soomaaliya iyo Siyaasiyiin Madax banaan oo Soomaaliyeed.
Madaxweyne Geelle oo kamid ah Hogaamiyayaasha Afrika ee sida aqlabiyada ah ugu guulaystay Doorasha walba oo Dalalkooda ka dhacda ayaa taladda Dalkaas soo hayey tan iyo 1999 oo uu qabtay markii uu geeriiyoday Xassan Guuleed Abtidoon oo ahaa Madaxweynihii ugu horeeyey Dalkaas ayna qaraabo dhow ahaayeen Ismaaciil Cumar Gelle.
Jabuuti ayaa ah Dal yar oo ay ka jirto Saboolnimo ba’an, waxayna kamid tahay meelaha ugu liita dhanka shaqa la’aanta iyo fakhriga Afrika.
Madaxweyne Geelaha Maaanta la cimaamadaayo waa Madaxweynihii labaad oo ay Jabuuti yeelato tan iyo 1977 oo ay xoriyada ka qaadatay Dalka Faransiis, waxaana Jabuuti xarumo waaweyn ku leh Dalalka quwadaha waaweyn ee Caalamka sida Maraykanka,Faransiiska iyo China.
Puntland Post