dabar goynta dhuxusha oo Puntland iyo dowladda fadaraalka iska kaashanayaan-Sawirro

Garowe-(Puntland Post)-Xarunta Wasaaradda Degaanka Puntland ee Magaalada Garowe waxaa Maanta oo Axadda lagu qabtay Kulan lagu daah furayey Mashruuc loogu magac Daray yareynta isticmaalka Dhuxusha.

Kulanka waxaa ka qeyb galay Wasiirka Xanaanada Xoolaha Xukuumadda Soomaaliya Siciid Xuseen Ciid-Wasiir ku xigeenka Deegaanka,Gudoomiyaha Gobalka,Nabadoono,Waxgarad, Shaqaalaha Wasaaradda iyo Qaar ka mid ah dad aqoon u leh arimaha Degaanka.

Ujeedka Mashruuca loo daah furay waxa lagu sheegay inuu ahaa mid looga gol leeyahay sidii loo yareyn lahaa gebi ahaanba isticmaalka Dhuxusha, Ilaalinta Degaanka iyo sidii looga hortagi lahaa Jarista dhirta.

Sidoo kale Mashruucan ayaa la sheegay inuu faa’iido weyn u lee yahay dadkii ku howlanaa jarista dhirta, oo la siin doono waxyaabo ay ku badashaan si ay dhuxul ugu sameeyaan.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Degaanka Puntland Faarax Cali Cabdi ayaa ugu horeyn Madasha ka hadlay wuxuu u mahad celiyay Dowlada Federaalka Soomaaliya oo Mashruucan Markii ugu horeysay soo gaarsiiyay gudaha Puntland.

Sidoo kale Wasiir xigeenka Degaanka Puntland wuxuu sheegay in talaabadan ay tahay mid ahmiyad gaar ah u leh Dadka reer guuraaga ah oo si weyn uga faa’ideysan doona, lana siin doono wacyigelin dheeraad ah.

Gudoomiyaha Gobalka Nugaal Cumar Cabdullaahi Faroole aya dhankiisa Wasaaradda Degaanka Puntland ku amaanay waxyaabihii ay ka qabatay ka hortaga Xaalufka Degaanka iyo xirmeysigii sharci darada ah.

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Xukuumadda Soomaaliya Siciid Xuseen Ciid ayaa Wasaaradda Deegaanka Puntland ku amaanay horumarka baaxada leh ee ay ka qabatay Dadka dhirta Jara, ka hortga Xaalufka iyo ilaalinta Degaanka.

Ciid wuxuu sheegay in Mashruucan uu yahay mid Puntland ay ka faa’ideysan doonto, mudada uu socdana la dareemi doono is badalka Arimaha Degaanka ah.

Daahfurka Mashruucan ayaa waxaa uu noqonayaa mid markii ugu horeeyay laga hirgeliyo degaanada Puntland, iyadoo ay Dowlada Soomaaliya howshan sidoo kale ka fulin doonto Degaanada kale ee Maamul goboleedyada Dalka Soomaaliya.

Sawirro.
2

4

5-2

6

7

8

10

11

12-1

13

14

17

19

PUNTLAND POST.