Muqdish(Puntland Post)-Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha DawladaFederaalka ah Cabdillaahi Xassan Nuux oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho, ayaa baaq ku aadan in dhalinyarada lasiiyo doorkooda ay xaqa u leeyihiin u diray Maamulada Soomaaliya iyo Isimadda Soomaaliyeed ee soo xulaaya Dadka kamid noqon doona Baarlamaanka Soomaaliya.
Wasiirka ayaa Maamuladda ka jira Soomaaliya ka codsaday inay il gooni ah ku egaan Dhalinyaradda Soomaaliyeed maadama ay ka wax qabad wanagsan yihiin dhan walba Odayaasha, Wasiir Cabdillaahi Xassan Nuux ayaa tilmaamay inay dhalinyaradu yihiin awood fiyow oo u diyaarsan inay u adeegaan Dalkooda ayna Muhiim tahay inay ka muuqdaan Xildhibaanada labadda aqal iyo xukuumada dhalan doonta.
Hadalka Wasiirka ayaa kusoo aadaya xili ay dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed u hanqal tagayaan inay kasoo muuqdaan labadda aqal ee Dawlada Federaalka ah, walow ay caqabaddo ka haystaan Odayaal Mudo dheer Shukaanta usoo hayey Siyaasada Soomaaliya, welina rajo kasii qaba.
Puntland Post