Wasiirka Amniga Puntland oo loo qaaday waddanka Jabuuti si loogu soo dabiibo

Bosaso(Puntland Post) Wasiirka Amniga dowladda Puntland Cabdi Xirsi Cali oo dhaawac fududi kasoo gaaray isku dhac ciidan oo Bosaso ka dhacay maalin ka hor ayaa loo qaaday waddanka Jabuuti si loogu soo daaweeeyo.

Diyaarada la saaray Wasiir Qarjab waxaa raacay sidoo kale madaxwaynaha Puntland iyo murashax Cabdiraxmaan Farole oo lagu caasumay xaflada caleemo saarka madaxwaynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo mar kale dib loo doortay.

Dhaawaca Wasiirka Amniga ayaa u muuqday mid fudud ka dib markii ay warbaahintu aragtey isagoo diyaarada sii fuulaya garbahana looga jiro.

Qarjab ayaa horay u qabay xanuunka Sonkorta waxayna u badan tahay inay sababta in dibada loogu qaado dhaawiciisa sonkorta oo looga baqay inay kusoo kacdo.

PUNTLAND POST