Garowe(Puntland Post)-Magaalada Garowe ee Caasimada Puntland waxaa saakay abaare 5:40 subaxnimo ka curtay roob si aada loogu qabowsaday, walow uu roobkani mudo kooban da’aayey hadana waxay ahayd daruur xoogan oo si aada looga dareemay Guud ahaan Magaalada, ayna si fiican ugu qabowsatay.
Jawiga Caasimada ayaa saaka ah mid roobeed iyadoo ay daruuro waaweyn Cirka dul hoganayaan, lana arkaayo Biyihii roobka oo wadooyinka waran.
Dhanka kale wararka aan ka helayno qaar kamid ah Degaanada Puntland, waxaa laga soo sheegaaya inuu roobkani meelo kala duwan si fiican uga da’ay. Iyadoo Dadka iyo Duunyaduba si aada ugu diirsadeen.
Roobkan ayaa la saadalinayaa inuu noqon doono kii Dadka Soomaaliyeed kasaari lahaa abaarihii ba’naa ee haystay mudadii lasoo dhaafay.
Halkan ka daawo Sawirada Roobka saakay Garowe Ka da’ay
Puntland Post