Doorashadii Duqa Magaalada London waxaa si aada ugu guulaystay Sadiq Khan oo ah Nin Muslima oo ay Waaridkiis kasoo jeedeen Dalka Pakistan balse isagu ku dhashay kuna koray Magaalada London oo ah Caasimada Dalka Ingiriiska.
Doorashadan ayaa ahayd mid aad u xiisa badan ayna si aada u qaada dhigayso Warbaahinta Caalamka Maadama ay tahay Markii ugu horay oo uu Nin Muslim ah Mayor ka noqdo Magaalada London, waxayna arintani furtay baal cusub oo ah inaysan Lodon iyo Guud ahaan Dalka England uusan ka jirin xayndaab diimeed ama Sinji oo qofka ka reebi kara inuu qayb ka noqdo Hogaaminta Dalkiisa.
Waa Kuma Sadiq Khan?
Saadiq Khan waxaa uu ku dhashay Magaalada London 1970, wax yar kahor markii qoyskiisu kasoo guureen iyagoo qaxooti ah Dalka Pakistan, wuxuu Maadada Sharciga ka bartay Jaamacadda Waqooyiga London, isagoo intaa kadibna noqday udoode xuquuqda Aadamaha iyo Dadka laga tirada badan yahay ee ku nool Dalka Ingiriiska.
Saadiq Khan ayaa markii ugu horaysay Siyaasada Ingiriirka kasoo muuqday sanadkii 2008 xiligaas oo uu Raisul Wasaarihii hore ee Wadankaas Gordon Brown u Magacaabay Wasiirka Bulshooyinka.
Saadiq Khan Awoowihii iyo ayeeyadii ayaa kasoo guuray iyagoo qaxooti Dalka India ,iyagoo u qaxay Pakistan 1947, sidoo kale Labadiisa waalid iyo sideed Caruur ah oo ka weyn ayaa qaxooti ahaan iskaga dhiibay Dalka Ingiriiska ka hor dhalashadiisii.
Sadiq Khan Aabihii oo lagu Magacaabi jirey Camanullah Khan ayaa mudo dheer Magaalada London ka ahaa Darawal wada Basaska daweynaha ee iskaga kala goosha Magaaladaasi, Sidoo kale Hooyadii ayaa qaban jirtey shaqooyin xamaali ah oo aad u adag.
Hadaba Maxay Soomaliya ka baran kartaa Doorashada Sadiq Khaan?
Afrika iska daaye inuu noqdo qof u soo qaxay Mayor Magaalo, waxaa adag inay ka noqdaan Dadka laga tirada badan yahay ee xitaa laga yaabo inay lahaayeen asaaskii Magaalada, waxaad arkaysaa xubnihii Magaalooyinka waaweyn ee Soomaaliya oo ay wada qaateen Qabaailka awooda leh ee laga yaabo inay mudo yar kahor soo degeen Magaaladaas, iyagoo Marti ka dhiga Beelihii degaanka loogu yimi.
Qaar kamid ah Magaalooyinka Soomaaliya xitaa Beelaha degaanku ma hawaystaan inay isku soo taagaan Mayorka Magaaladooda, sababo la xiriira kalsooni xumo ka haysata inaysan cidna dooran doonin, Madama ay meesha marayaan Qaabail ka awood badan.
Caalamka horumaray ayaa ka guuray in qofka loo faquuqo Sinjiyadiisa,Diintiisa iyo firkirka uu aamisan yahay toona, waana tan ka dhigtay inay noqdaan meelaha ka ifaaya Dunidan Casriga ah ee maanta ku noolahay.
Hadaba Soomaaliya iyo Guud ahaan Afrika ma gaari doonaan heerkan ay gaareen Dalalka reer Galbeedka oo maanta u muuqda inay Hogaan u yihiin Caalamka? Iskadaa inay wax siiyaan Dad usoo qaxay, xaqooda ma lasiin doonaa Beelaha Soomaaliyeed ee ku dulman Taladda Dalka, Loona yaqaan .5 ama inay la siman yihiin Bar kamid ah Beelaha waaweyn?
Isku soo duubo Dadka usoo qaxay iyo Muslimiinta ku nool Ingiriiska oo ay Soomaalidu kamid tahay ayaa si aada usoo dhaweeyey Doorashada Sadiq Khan, Iyagoo ku tilmaamay inay u tahay Guul aad u weyn oo muujinaysa Furfurnaanta Britain.
Puntland Post