Bosaaso(Puntland Post)-Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta kusii jeeda Dalka Jabuuti si uu halkaas uga qayb galo munaasabad balaaran oo lagu caleema saaraayo Hogaamiyaha dib loo soo doortay ee Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.
Madaxweynaha Safarkiisa waxaa ku wehelin doona qaar kamid ah Golihiisa Xukuumada iyo weliba xubno katirsan Shaqaalaha Madaxtooyada Puntland.
Inta uu jooga Madaxweyne Gaas Dalka Jabuuti waxaa la rajaynayaa inuu kulamo la qaadan doono Madaxda ugu saraysa Dalkaasi Jabuuti.
Wararka ay Puntland Post ka helayso Magaalada Bosaaso ayaa sheegaya in sidoo kale diyaarada Madaxweynaha lagu qaadi doono Wasiirka Amniga Puntland Cabdi Xirsi Cali iyo qaar kamid ah Dadkii ku dhawacmay shaqaaqadii Ciidamada Booliska ku dhex martay Magaalada Bosaaso.
Ismaaciil Cumar Geelle oo Dalkaas soo xukumaayey ku dhawaad 20 sano ayey wararku shegayaan inuu caleemasaarkiisa ku marti qaaday ugu yaraan Lix Madaxweyne oo ah Maamulada ka jira Dalka Soomaaliya iyo weliba kuwa kale oo ka imaanaya Qaarada Afrika iyo Dalalka Carabta.
Puntland Post