Bosaso(Puntland POST) Wafdi uu hoggaaminayo madaxwaynaha Puntland Cabdiweli Cali ayaa maanta oo Sabti ah u ka dhoofay garoonka diyaaradaha magalada Bosaso, ka dib markii lagu caasumay xaflada caleemo saarka madaxwaynaha marka 3-aad lasoo doortey ee Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.
Gaas oo hadal kooban warbaahinta ku siiyay garoonka diyaaradaha magalada Bosaso ayaa sheegay inuu ka qayb galaya caleemo saarka Geelle sidoo kalena waxa uu sheegay inuu qayb ka noqonayo socdaalkiisa shirar mihiim u ah Puntland oo Jabuuti ka dhici doono.
Madaxwaynihii hore Puntland Cabdiraxmaan Farole ayaa ka mid ahaa masuuliyiintii kale ee maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha Bosaso si ay uga qayb galaan munaasiabdaasoi.
PUNTLAND POST