Maamulka Gobalka Nugaal iyo Ganacsatada Garowe oo ku heshiiyey in dib loo furo suuq-yada

Garowe(Puntland Post)-Maamulka Gobalka Nugaal, Wax garadka Magaalada Garowe iyo Ganacsatada ayaa maanta  shir lagu lafa-guraayo tabashada Dadweynaha ee ku aada sara u kaca ku yimi Sarifka Doolarka iyo Maciishada Waxay ku qaateen Xarunta Gobalka Nugaal.

Gudoomiyaha Gobalka Nugaal Cumar Cabdillaahi Faraweyne oo Saxaafada kula hadlay suuqa weyn ee Injida ayaa tilmaamay inay xaliyeen cabasho ay maanta Ganacsatada Garowe sameeyeen Markii ay albaabada u laabeen Ganacsigoodii iyagoo ka cabanaaya Sara u kac ku yimi Sarifka iyo Maciishada daruuriga ah.

Gudoomiye Faraweyne ayaa sheegay inay gudi u saareen tabashada Dadweynaha, dhawaana loo gudbin doono Dawlada dhexe ee uu Hormuudka u yahay Madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali, wuxuuna Dadweynaha ugu baaqay inay isdejiyaan inta arimahan wax laga qabanaayo.

Guud ahaan Caasimada Puntland waxaa maanta xirnaa suuq-yadii laga iibsan jirey Khudaarta iyo Hilibka, waxayna shaqa joojinta Ganacsatadan daba Joogtay Cabashooyin iska soo daba dhacaayey oo maalmihii danbaba laga muujinaayey Sara u kaca Doolar iyo Maciishada.

Puntland Post