Garowe(Puntland Post)-Taliyaha Ciidamada Kumandooska Dawlada Puntland Korneyl Jimcaale Jaamac Takar ayaa ka digey in xarig iyo tacadiyo loo geysto Dadka rayidka ah ee ka Mudaharaadaya Sara u kaca ku yimi Sarifka iyo Maciishada, wuxuuna sheegay inay talaabo ka qaadi doonaan Ciidankii isku daya inay dhibaato u geystaan Dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan balse si nabad galya ah uga cabanaaya xaalad adag oo soo foodsaartay.
Korneyl Jimcaale ayaa tilmaamay in dhibaato iskugu jira xarig iyo Tacadiyo kale loo geystay haween ka cabanaayey Sara u kaca maciishada, ayna arintaasi tahay wax qaynuunka iyo Dawladnimada Puntland baal marsan, wuxuuna tilmaamay Ciidankii shacabka dhibaateeya inay u aqoonsan doonaan Al-shabaab, lana dagaalami doonaan.
Korneylka ayaa Dadweynaha reer Puntland siiba kuwa Garowe ugu baaqay inay garab istagaan Dawlada, kana shaqeeyaan amaanka iyo kala dambaynta Caasimada si uu horumarka Dalku usii socdo.
Wuxuu sheegay inuu isku dayey in uu kala hadlo xarig Garowe loogu geystay haween banaanbaxayey Gudoomiyaha Gobalka Nugaal Cumar Faraweyne iyo Taliyaha Qaybta Cabdiraxmaan Xaaji Abshir balse ay u suurta geli weyday telefoonkooda oo aan la heli karin awgeed, isaguna uu hawlo ku saabsan nabad galyada Dalka u joogo meel ka baxsan Caasimada.
Isku soo wada duubo Hadalka Korneyl Jimcaale ayaa kusoo aadaya xili maalmihii u danbeeyey ay soo baxaysay tabashooyin la xiriira sara kaca Maciishada iyo sarifaka Doolarka, walow maanta Maamulka Gobalka Nugaal iyo Ganacsatada Garowe ku heshiyeen in si deg deg ah arimahan wax looga qabto loona gudbiyo Dawlada dhexe ee Puntland.
Puntland Post