Gudoomiyaha Gobalka Banaadir oo la kulmay Xassan Abshir Faarax

Xassan Abshir Faarax(Isha Sawirka Radio Muqdisho)
Xassan Abshir Faarax(Isha Sawirka Radio Muqdisho)

Muqdisho(Puntland Post)-Gudoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Duqii Magaalada Muqdisho ee todobaatameeyadii, kana soo noqday Dawladihii KMG ahaa iyo tan hada Raisul Wasaare, Wasiir iyo Xildhibaan Mudane Xassan Abshir Faarax.

Yuusuf Xussen Jimcaale oo ah duqa Muqdisho ee xiligan ayaa si farxadi ka muuqato usoo dhaweeyey Ninkii booskiisa joogi jirey xiligii Barisamaadka Xassan Abshir Faarax, wuxuuna kulankani u muuqday mid Xassan Abshir uu Duqa Muqdisho Yuusuf Xusseen kusiinaayey khibrad la xiriirta Horumarinta Caasimada.

Xassan Abshir ayaa lagu tilmaama duqii ugu wax qabadka wanaagsanaa ee soo mara Magaalada Muqdisho, isagoo Horumaro la taaban karo ka sameeyey Caasimada, korna u qaaday Bilicda Magaaladaas.

Magaalada Muqdisho ayaa kasoo kabanaysa collaado daba dheeraday oo ay dhex maquuranaysay in ka badan rubuc qarni.

Puntland Post