Garowe(Puntland Post)-Ganacsatada yar yar ee Magaalada Garowe ayaa maanta Albaabada u laabay Ganacsigoodii kadib markii uu kor usii kacay Sarifka Doolarka oo loo sababaynaayo lacago cusub oo Shillin Soomaali ah oo ay mudadanba Dawlada Puntland ku daabacaysay Magaalada Bosaaso.
Suuqa weyn ee Khudaarta iyo Hilibka oo loyaqaan Inji ayaa maanta haawanaya, waxayna Ganacsatadani ka cabanayaan Maciishada oo sii qaaliyobaysan iyo inaysan awood u lahayn inay iibsadaan qutal daruurigii ay qosaskooda ku quudin lahaayeen Maadama marba marka ka dambaysa ay Maciishadu sara usii kacayso.
Maamulka Gobalka Nugaal oo cabashada Dadweynaha ka duulaaya ayaa kulan deg deg oo ay albaabadu u xiran yihiin, la qaadanaaya Ganacsatada Suuqa Garowe si dib loogu furo suuqan oo muhiim u ah Caasimada.
Shaqo joojinta ay Ganacsatadu samaysay ayaa daba joogta Mudaharaadyo lagaga soo hor jeedo sara u kaca Doolarka iyo Maciishada oo ka dhacay Magaalooyinka waaweyn ee Puntland siiba Garowe iyo Bosaaso.
Dawlada Puntland ayaan illaa iminka si toos ah uga hadlin qaylo dhaanta Dadweynaha, mana muuqato talaabo lagu xakamaynaayo sarifka Doolarka iyo Maciishada faraha kasii baxaaya.
Dawladihii soo maray Puntland marka laga reebo tii Cabdiraxmaan Faroole waxay caado u lahaayeen samaynta Lacago Shilling Soomaali khal-khal dhaqaale Dalka ka abuura.
Degaanada Puntland Waxaa lagu sarifayaa $1=26,000 Sh.so halka uu horay uga ahaa $1=21,000, Iyadoo uu kor usii kacaayo marba marka ka dambaysa, Waxaa xusid mudan inaysan waxba iska badelin Sarifka Doolarka iyo Maciishada Koonfurta Soomaaliya oo ay dhibaatadan ku kooban tahay Puntland
Puntland Post