Jawhar(Puntland Post)-Kooxda Al-shabaab ayaa saaka weerar culus ku qaaday Saldhig ay Ciidamada Dawlada Federaalka Soomaaliya ka samaysteen Degaanka Runirgood oo katisan Gobalka Shabeelaha Dhexe, waxayna wararka halkaa ka imaanaya sheegayaan inay Al-shabaab Guud ahaanba degaankaas ka saareen Ciidamadii Dawlada ayna iyagu iminka gacanta ku hayaan.
Kooxda Al-shabaab ayaa Ciidamada kasoo weeraray dhawr jiho, waxayna weerarka ku bilaabeen Qarax gaari oo aad u weyn oo ay la beegsadeen Ciidamadii halkaa ku sugnaa, kadibna waxaa xigey weerar toos ah.
Werarkaas waxaa ka dhashay khasaaro balaaran iyadoo lasoo sheegaayo inay Ciidamada Dawlada ka geeriyoodeen, kana dhaawacmeen tiro aan weli la xaqiijin karin, Sidoo kale Kooxda Al-shabaab ayaa Ciidamada ka qabsaday Gadiid dagaal iyo saanad kale oo muhiim ah.
Ciidamada Dawlada ayaa shalay la wareegay Tuulada Runirgood, kadib dagaal kooban oo ay halkaas Al-shabaab kula galeen.
Puntland Post