Waxaa Guud ahaa Caalamka maanta la fasaxay goobaha shaqadda iyadoo loo dabaald-degaayo 1-da May oo ah Maalinta shaqaalaha Aduunka, dhamaan shaqaalayaasha goobaha kala duwan ee Caalamka ayaa maanta la fasaxay si ay maalin nasasho ah ula qaataan qoysaskooda iyo asxaabtooda.
Meelaha sida weyn looga xusaayo maalintan waxaa kamid ah Soomaaliya iyadoo Magaalooyinka Muqdisho,Garowe iyo Hargeysa lagu qabanaayo munaasabado waaweyn oo maalintan loogu dabaal-degaayo, waxaana la fasaxay guud ahaan Shaqaalaha Dawliga iyo kuw aan ahaynba.
Wasiirka Shaqadda iyo Shaqaalaha Dawlada Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Axmed oo saxaafada kula hadlay Magaalada Garowe ayaa shaaciyey inay shaqaalaha Dawladu maanta fasax yihiin, si ay maalinkooda ugu dabaal-degaan.
Sanad walba maanta oo kale ayaa siweyn looga xusaa Caalamka maalintan Shaqaalaha Aduunka.
Puntland Post