Shirkadda SOMTEL oo kor u qaaday adeega isgaarsiinta , Qiimahana hoos u dhigtay

Shirkadda SOMTEL
Shirkadda SOMTEL

Soo kabashada iyo kor u kaca isdaba jooga ah ee ku imaanaya Isgaarsiinta Soomaaliya ayaa waxaa uu noqday mid ku soconaya xaawaare aad u sareeya, xawaarahaan ayaa keenay in ay yimaadaan is badallo kala duwan oo ay bulshad ka faa iidaan.

Shirkadda Isgaarsiin Somtel waxaa ay muddo ku siman sanad ka shaqaynaysaa deegaanadda Puntland, mudadii gaabnayd ee ay shaqaynaysay waxaa ay soo kordhisay adeegyo kala gadisan iyada oo aysan bulshadu helin iyada ka hor, adeegyadaan ay bulshadu ubaahan tahay ayaa waxaa ay u badan yihiin kuwo lacag la’aan ah.

Adeegyada

eDahah: Adeegaan inkasta uu horay wadaga uga jiray noociisu, misana wa uu ka casrisan yahay, waxaa uu bulshada usoo siyaadiyey faa iidooyi aysan horay u haysan, sida:- in uu yahay Khidmad la’aan, In uuyahay yahay bilaad xuduud Soomaaliya oodhan, midkiisa ku ganacsiga iyo kiisa shaqsigaa intuba, in aad akoonkaaga Dahabshiil ka maamushid taleefoonkaaga, In lacagta dibadda ee loosoomariyo shirkadda Dahabshiil ay ugu soodhacdo Telfoonkooda iyo in aad kala tacaamuli kartid Bangiga maalgalinta shirkadda Dahabshiil sifudud.

waxaa shacabka guul u ah in ay helaan adeegaan lacag la’aanta ah, waxaa kale oo shirkadda Somtel soo dhawaynaysaa in fikirka shirkadda Somtel oo noqdo mid najaxay, maadaama ay shacabku helayaan, adeegyo khidmad la’aan ah oo aysan horay u haysan.
Danan:  Waa adeeg ay bulshadu u baahan tahay, kaas oo ay ka helayaan codad ay dhagaystaan inta uu dhacayo lambarka macmiilka ay wacayaan, laxiriir 100 si aad u heshid warbixin dheeri ah.

 

Tabiye: Adeegaan waa laba adeeg oo isa saaran, oo misna lacag la’aan ah, 1. macmiilkii kuu telkiisu kaa xirnaa oo laguu sheegayo markii uu furto 2. Macmiilkii kusoo wacay markuu kaa dansanaa oo aad ka ogaanayso, labadaan adeeg horay mid kasta lacag gaar ah ayaa bulshadu ugu heli jiratay haddase waa lacag la’aan.

 

Ilasoohadal:  Adeegaan waa adeeg lacasriyeeyey, waxaana kusoo wici karaya asxaab taada tibadda, mana ahan sidii aad horay u arki jirteen oo aad guriga dhigan jirteen, ama aad isticmaali jirteen inta aad hal magaalo joogtaan, MIDKAAN, waxaa aad helaysaa Mobailkaaga gacanta oo lagu soo wici karo meelkast oo aad Soomaaliya ka joogtid iyo dhamaan meelaaha kale ee ay anteenadda shirkadda ka shaqayso.

 

Sahay Aakhiro: Waa adeeg aan horay loo arag shacabkuna aysan horay u helin, waxaana aad markasta helaysaa Su’aal diini ah oo uu ka jawabayo mid ka mid ah culimada ugu waaweyn Soomaaliya, waana ad waydiin kartaa su’aashii aad rabto culimada, fariin udir 802, si’aad u furatid ama isaga xirtid.

 

Saami celinta Bulshada: Barnaamijkaan waa barnaamij ku cusub guud ahaan soomaaliya, oo aan horay loo arag Somtel kahor, barnaamijkaan waxaa leeyahay wajiyaal kala duwan, waxaana uu salka ku hayyaa, in ay bulshadu hesho hadyado joogto ah oo shirkaddu ugu talagashay, iyo lacag ay maalinkasta heliyaan.

Waxaa helaya lacagtaan laba qof oo reer Puntland ah, Maalin kasta So.Sh,2,000,000, oo qofkiiba helayao Halmilyan, halka ay feersocdaan Hadyado waaweyn oo Asbuucle iyo Bille ah, oo markasta lasoo casriyeynayo.

Postipaid: Adeegaan gabi ahaanba waa ka badalan yahay kuwii lamidka ahaa ee hore, waxaana aad helaysaa 50%, oo qiime dhimis ah, waana qiime dhismtii ugu waynayd oo adeegaan dadka isticmaalaa ay helaan abid, waxaa macquul ah in ay mardhow shirkaddaha bixiya adeegyaan oo kale ay sameeyaan qiime dhimis aysan horay usamayn Somtel kahor.

Prepaid:  Adeegaan waa ku hadalka, waxaana uu uga badalan yahay kuwii hore waxaa lagaaga dhigay $1=70daqiiqo (Halkii doolar Todobaatan daqiiqo), meesha ay horay ugu heli jirteen $1=34daqiiqo shirkada kale,  Somtelna $1=50daqiiqo waagii hore.

SOMTEL QIIMA DHIMIS 2016 2(1)

Fariinta shirkadda:

Shirkadda Isgaarsiinta somtel waxaa ay macaamiisheeda ugu baaqaysaa in ay ka faa iidaystaan adeegyada qiimaha jaban misana tayada wanaagsan.

Somtel waxaa ay markasta shacabkeeda u haysaa adeegyo loogu turayo, lagu ilalainayo tabartooda, iyada oo ay filayso in Tartanka hufan ee suuqa ganacsigu uu horseedo in ay shirkaddaha kale ee gayiga ka jira ay shacabka ka khafiifiyaan culuska saaran, ayna adeegyada uga dhigaan lacag la’aan inya ay karaan.

Shirkadda Somtel waxaa ay markasta curinaysaa barnaamijyo aad umiih ugu ah bulshada kuwaas oo ay soo dhawaynayso in lasii qaato lana fahmo in ay bulshadu u baahan tahay in loo turo, loona nuglaado.

 

Xafiiska warfaafinta Shirkadda Somtel

Bosaso,Puntland somaliya.