Maxkamadda sare ee Ciidamada Soomaaliya oo dil ku xukuntay rag loo haystay qaraxyo Baydhabo ka dhacay

Muqdisho(Puntland Post)-Maxkamadda Sare  Ciidamada Qalabka sida ee Dawlada Federaalka Soomaaliya ayaa dil ku xukuntay rag horay racfaan ugu qaatay Maxkamadaas markii ay dilka ku-xukuntay Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamadu, loona haysto inay maleegeen Qaraxyadii lagu hoobtay ee  bishoo Febraayo ka dhacay Magaalada Baydhabo.

Gudoomiyaha Maxkamada sare ee Ciidamada Qalabka-sida Liibaan Cali Yarow ayaa ku dhawaaqay iny xukun dil ah ku rideen afar nin oo loo haystay qaraxyadii ay Dadka badan ku dhinteen ee Bishii Febraayo ka dhacay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobalka Bay.

Afarta nin ee la xukumay ayaa lagu kala magacabaa Xasan Aadan Mursal (Xasan Yare), Cabdulladiif Macalin Aadan Macalin C/raxmaan, Siyaad Xasan Faarax iyo Sharmad Aawoow Maxamed.

Maxkamada ayaa si lamid ah xukun dil ah ku ridey qof kale oo isagu Maxkamada ka maqnaa, kaas oo isna lagu soo eedeyey inuu wax kasoo maleegay Qarixii Baydhabo.

Waxay isna maxkamadu hal sano oo xarig ah ku xukuntay nin lagu eedeeyey inuu joogey Garaashkii qaraxyadan laga soo maleegey, Halka askari Magaalada Baydhabo ku diley qof rayid ahna dil toogasho ah lagu xukumay.

Maxkamadan ayaa marar kala duwan ridey xukuno dil ah, isla markaana ku fulisay Dadkii lagu ridey.

Puntland Post