Dacish oo doonaysa saldhigooda ugu weyn ee Bariga Afrika inay ka samaystaan Puntland

Cabdiqaair Muumin, Hogaamiyaha Dacishta Bariga Afrika
Cabdiqaair Muumin, Hogaamiyaha Dacishta Bariga Afrika

Kooxda la baxday Dawlada Khilaafada Islaamka Dacish ayaa bilwoday inay isku fidiso Dalalka Islaamka ah ee Nugul, iyagoo Saldhigyo ka samaysanaaya goobaha ugu Muhiimsan ee Dalalkaas ku yaal, kooxdan oo ka bilaabatay Dalalka Suuriya iyo Ciraaq ayaa isku fidiyey Dalalka Yemen,Afghinstan,Pakistan iyo Liibiya.

Dabayaaqadii tobaadkii hore Dacish ayaa markii ugu horaysay sheegatay inay weerar ka fulisay Soomaaliya gaar’ahaan Magaalada Muqdisho, Isla maalin kadib kooxdan ayaa soo saartay Muuqaal cusub oo ay ku sheeganayso inay Ciidankoodii ugu horeeyey tababar ugu soo xireen Saldhig ay ku leeyihiin Soomaaliya.

Muqaalka dacaayadda ah ee ay soo saartay kooxdan waxaa kasoo dhex muuqday Cabdiqaadir Muumin oo horay uga mid ahaa kooxdii Puntland kula gadaalami jirey Buuraha Galgala una diga rogtey kooxda Dacish, Ninkan ayaa haysta Basaboorka Dalka Ingiriiska wuxuuna isku dayayaa inuu jiito dhalinyaro badan oo qurbaha joogta si ay halgankiisa dagaal qayb uga noqdaan.

Maxay ku kala duwan yihiin Dacish iyo Al-shabaab?

Labadan kooxood ayaa u muuqda inay mabda’a guud ee Jihaadiga ah ka midaysan yihiin, hase ahaate waxaa jira khilaaf ka dhex aloosan Dacish iyo Al-shabaab, wuxuuna Khilaafka ugu weyn soo shaac baxay markii xubno katirsan Al-shabaab ay u xuubsiibteen Dacish, waxayse xubnahan ayaa colaadin iyo dagaal adag kala kulmeen Al-shabaab.

Kooxda Al-shabaab ayaa xiriir dhow la leh kooxda Al-Qacida oo ahayd tan ugu weyn kooxahan Jihaad doonka ah kahor soo bixitaankii Dacish, waxaana muuqata khilaaf ba’an oo ka dhex jira Al-Qacida iyo Dacish, waana tan ugu weyn ee ay Al-shabaab u diidan tahay Dacish.

Daacish ayaa awood iyo dhaqaala ahaanba ka abaabulan Al-qacidda, waxayna dagaalo adag kawadaan Wadamo tiro badan iyagoo Maamula degaano baaxad-weyn oo katirsan Dalalka Suuriya iyo Ciraaq.

Khilaafka ugu weyn ee Dacish iyo Al-qacida ayaa la rumaysan yahay inuu salka ku hayo, Dacish oo doonaysa inay Al-qacida ururkooda kusoo biiraan maadama ay maanta yihiin kooxda ugu weyn kuwa ay isku mada’a yihiin,Halka ay Al-qacida isku aragto kooxdii mada’anba soo bilowday ayna waajib tahay in iyada looga danbeeyo.

Muhiimada ay kooxahan u leedahay Puntland inay ka samaytaan Saldhigooda Geeska Afrika

Kooxda Al-shabaab ayaa bilowgeediiba isku dayday inay Saldhig muhiim ah ka samaysato Buraha silsiladda ah ee ku teetsan Gobalada Bari iyo Sanaag ee Puntland, waxaase si aada u hor joogsaday Ciidamada Puntland oo ay dagaalo faraha looga gubtay ku dhex mareen Buurlayda Gal-gala, Al-shabaab ayaa dhulkaas u arkaysay mid muhiim u ah dagaalada ay kawadaan Soomaaliya, maadama uu yahay dhul buuraley aad u dhir badan, uuna ku kulaalaayo Gacanka Cadmeed oo ay saanad iyo gurmad kaga heli karaan kooxaha ay bah wadaagta yihiin ee ku sugan dhulka Carabta.

Kooxda Al-shabaab ayaa lagu jabiyey Mar kale oo ay usoo hanqal taagtay Puntland markii ay Ciidamadoodu kasoo dageen Xeebaha Gobaladda Nugaal iyo Mudug 14-kii Bishii Maarso, wuxuuna dagaalkaasa u muuqday fariin ay Puntland u dirtay kooxaha dhulkeeda hamigu kaga jiro iyo Cid kasta oo soo haweysata.

Isku dayga Dacish

Dacisha oo si aada u doonaysa inay boos ka hesho Wadankan lagu hardamaayo ee Soomaaliya, ayaa iminka u muuqata inay saldhigooda ugu weyn la donayaan Puntland, maadama Koonfurta ay ku sugan yihiin kumanaan Ciidamo shisheeya ah iyo Kooxda Al-shabaab oo ay colaadi ka dhaxayso, waxaana arintan cadeeyey markii todobaadkii hore soo bandhigeen Muqaal cusub oo ay ku shegayaan inay saldhigoodii ugu horeeyey ee Ciidan ay ka furteen Soomaaliya, waxayna goobta ay sheegeen inay saldhiga ka furteen u muuqatay meel kamid ah dhulka Puntland, waxaana si aada uga dhex muuqday hogaamiyaha Dacishta Soomaaliya Cabdiqaadir Muumin oo horay uga mid ahaa Al-shabaabka Puntland kula dagaalama Buuraha Galgala, dhawaana u xuubsiibtay Dacish.

Maxaa Puntland u qorshe ah?

Warbaahinta Caalamiga ee Sky News oo dhawaan Warbixin ku aadan arimahan ka diyaarisay Puntland, ayaa mar ay waraysanaysatay Taliyaha Ciidamada Qalabka-sida ee Puntland Jeneraal Saciid Dheere wuxuu sheegay inay la socdaan iskudayga kooxahan ay kawadaan Puntland, wuxuuna ku faanay inaysan jirin cid haweysan karta dhulka Puntland, Isagoo dhanka kalena dhaliil usoo jeediyey Beesha Caalamka oo sheegata inay arimahan oo kale ka caawiso Soomaaliya,Balse Maamulkiisa wax gacan ah ku helin dagaalada ay kula jiraan kooxaha argagixisada oo uu kamid ahaa dagaalkii cuslaa ee dhawaan ka dhacay Gobaladda Nugaal iyo Mudug.

Siday doontaba ha ahaate Khubarada dhanka amaanka ayaa kula talinaaya Puntland inaysan sinaba u dhayalsan Kooxda Dacish ee isku abaabulaysa qaybo kamid ah Puntland, ayna yihiin khatar weyn oo kusoo fooleh degaanadan mudada dheer nabada ku naaloonaayey.

Puntland ayaa leh taariikh dagaal ee kooxaha Mada’an aamisan lagasoo bilaabo 1992-Al-itixaad, 2007-Midowgii Maxaakiimta Islaamka, 2010-Al-shabaab iyo mar kale 2016-Alshabaab, Dhamaan Puntland way ku guulasatay dagaalada kooxahan la gashay.

Daawo Warbixinta uu Sky News ka diyaariyey dagaalada Puntland kula jirto kooxahan

Puntland Post