Cumar Cabdirashiid oo maanta Baarlamaanka horgeynaaya heshiiskii hanaanka Doorashada

Muqdisho(Puntland Post)-Raisul Wasaaraha Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali ayaa maanta hor tegaaya Baarlamaanka Soomaaliya, si uu sharaxaad dheeri ah uga bixiyo heshiiskii ay dhawaan kala saxiixdeen Madaxda Soomaaliya eeku aadanaa hanaanka ay u dhici doonta Doorshada sanadkan Dalka ka dhacaysa.

Raisul Wasaaraha ayaa si wanaagsan Baarlamaanka ugu faahfaahin doona heshiiskan, kadibna waxaa la rajaynayaa inay Baarlamaanku rayigooda ku darsadaan, Waxaana laga yabaa inay wax ka badelaan qaar kamid ah qodobada Ku xusan Heshiiska.

Madaxweynaha Dawlada Federaalka ah Xassan Sheekh Maxamuud ayaa horay u sheegay in go’aanka ugu dambeeya ee heshiisyada arimaha Doorashooyinka ay leeyihiin Baarlamaanku.

Puntland Post