Garowe(Puntland Post)-Wasaaradda Amniga Dawlada Puntland ayaa wayadii danbe wadey arimo la xiriira kor u qaadista xiriirka ay Caalamka la leedahay Wasaaradu si Horumarin iyo Tababaro loogu helo laamaha Amaanka Dawlada Puntland, Sidoo kalena ay Wasaaradu u heli lahayd Taageero Caalami oo la xiriirta Horumarinta nabad galyada Puntland.
Wafti uu Hogaaminaayey Wasiirka Amniga Dawlada Puntland Cabdi Xirsi Cali ayna kamid ahaayeen Taliye Ku-xigeenka Booliska Puntland Cabdiqaadir Shire Faarax Ereg iyo Haashim Axmed Cabbaas oo ah lataliye katirsan Wasarada Amniga ayaa maalmihii u danbeeyey Socdaalo kala duwan ku maraayey Magaalooyinka Nairobi iyo Muqdisho, waxayna halkaas kaga qayb galeen kulano Muhiim u ah Bulshada reer Puntland.
Waftiga intii ay Nairobi ku sugnaayeen Waxay la kulmeen Safiirka Dalka Japan u fadhiya Kenya, Iyagoo xog kasiiyey Amaanka Guud Soomaaliya iyo gaar’ahaan Puntland, wuxuuna Safiirkaasi balan qaaday inay Dawladiisu taageero ka geysan doonto Horumarinta nabad galyada Puntland.
Sidoo kale Waftiga ayaa la kulmay Safiirka Jarmal u fadhiya Nairobi wuxuuna balan qaaday inay Dawladiisu Puntland ka taageeri doonto arimaha Amaanka, ayna dhawaan wafti kasocda Jarmalka imaan doonaan Puntland, kana dhisi doonaan Goobo lagu dhaqan celiyo Caruurtii lagu soo qabtay Dagaalkii dhex maray Puntland iyo Al-shabaab.
Puntland ayaa kamid ah degaanada ugu amaanka wanaagsan Guud ahaan Dalka Soomaaliya, waxayna arintani soo jiidatay deeq-bixiyayaasha Caalamka oo doonaya inay gacan ka geystaan kor u qaadista amaanka.