Jariiban(Puntland Post)-Gudoomiyaha Degmadda Jariiban ee Gobalka Mudug Maxamed Yuusuf Shirwac oo Waraysi siiyey Idaacada Maxali ah oo ku taal Magaalada Gaalkacayo ayaa sheegay in degaanka ay xukunto degmadiisu ka jirto Biyo la’aan aad u baahsan iyo abaar sababtay inay xooluhu si aada u dhintaan.
Gudoomiyaha ayaa tilmaamay in dhamaan Barkadihii ay xoolaha iyo Dadku ka cabi jireen ay Biyihii ka dhamaadeen iminkana ay xaalad adag soo food saartay Dadka degaanka, wuxuu ku eedeyey Dawlada Puntland iyo Maamulka Gobalka Mudug inay dhagaha ka furaysteen qaylo dhaan isdaba jooga oo ay u diraayeen Maalmihii u danbeeyey, aysan Dawlada iyo Maamulka Gobalku wax Jawaab ah ka bixin xaalada adag ee Dadka iyo Duunyada haysata.
Gudoomiye Shirwac ayaa intaas ku daray inay Dawladu gabtay dorkeedii Dawladnimo ee ku aadanaa u gurmashada Dadkooda khatarta ugu jira inay gaajo iyo Haraad u dhintaan, Isagoo sheegay inay baaqyo badan oo arimahan la xiriira gaarsiiyeen Madaxweynaha Dawlada Puntland, Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Maamulka Gobalka Mudug balse aysan wax gurmad ah ka helin.
Dhanka kale Gudoomiyahan ayaa ka hadlay Ceelka Tuulada Seemadde oo jaban mudo afar maalmood ah, kaas oo Muhiim u ahaa Dadka iyo Duunyada Degaanka, mana jirto ayuu yiri cid illaa hada isku xil qaataan dib u kicinta Ceelkaas.
Siday doontaba ha ahaate Hadalka Gudoomiyaha Jariiban ayaa kusoo aadaya xili ay isa soo tarayso qaylo dhaanta xaalada abaareed ee Puntland oo kasii daraysa, walow siweyn loo dareemaayo Curashada roobka Gu’ga, waxayna Dadku rajo wanaagsan ka qabaan inay Maalmaha iyo Saacadaha soosocda Alle ka saari doono abaarta ba’an ee haysata.
Dhagayso Waraysiga uu Gudoomiya Jariiban Siiyey Radio Gaalkacayo
Puntland Post