Cadaado(Puntland Post)Maalinkii shalay Dagaal culus oo u dhaxeeyey Dadka degaanka Daac-dheer iyo Ciidamada looyaqaan Liyuu Boolis oo hoostaga Dawlada Degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa ka dhacay Degaanka Daac-dheer oo katirsan Gobalka Gal-gaduud waxaana la sheegayaa inay ku dhinteen Dad ku dhow 15 qof.
Dagaalkan oo ahaa Mid aad culus ayey Dawlad Degaanka Soomaalida Itoobiya waxay ku eedeeyeen inay soo huriyeen kuna soo xad gudbeen Gudaha Dalka Itoobiya Maleeshiyaad si qabiil ah u abaabulan oo ay gadaal ka riixayaan Kooxda Al-shabaab iyo Maamulka Gal-mudug, Sida uu sheegay Yaasiin Cabdi Waris oo u hadlay Maamulkaas.
Dhanka kale Maamulka Gal-mudug ayaa si aada iskaga fogeeyey Eedaynta Dawlad Degaanka Soomaalida Itoobiya, Maxamuud Guure Guuleed oo ah Wasiirka Cadaalad Dawlad Gobaleedka Gal-mudug ayaa ku eedeeyey Ciidamo katirsan Dawlada Degaanka Soomaalida Itoobiya inay marar badan xasuuq Dad rayid ah ka geysteen Gobalka Galgaduud, wuxuuna tilmaamay inuusan Maamulkiisu wax lug ah ku lahayn Dagaalkii shalay halkaasi ka dhacay.
Wararka naga soo gaaraya Degaanadii shalay lagu dagaalamay ayaa sheegaya inay xaaladu tahay mid degan hase ahaate waxaa la dareemayaa abaabul xoogan oo dagaal, waxaana xili walba dhici kara inuu dagaal kale degaanaaasi ka qarxo.
Dawladaha dhexe ee Soomaaliya iyo Itoobiya ayaan wax wara kasoo saarin dagaaladan cusub ee dhex maray Dadka degaanka Galgaduud iyo Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee lo yaqaan Liyuu Boolis oo katirsan Dawlada Itoobiya.
Hoos ka dhagayso Wasiir ku-xigeenka Cadaalada Gal-mudug
Puntland Post