Nairobi(Puntland Post)- Dawlada Kenya ayaa shaacisay inay Hal Bilyan oo Shilinka Kenya ah oo u dhiganta 10 milyan oo Dollar siinayso Beeralayda Qaadka loyaqaan Miraa ama ay Soomaalidu u taqaan Mirow, kaas oo si aada looga Isticmaalo Dalka Soomaaliya iyo Guud ahaan dhulka Soomalidu ku nool yihiin.
Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyata ayaa sheegay inay lacagtan ku dhiiri gelinayaan wax soo saarka Dalka, siiba Beeralayda Qaadka Mirowga oo kamid ah wax soo saarka ugu weyn ee uu Dalkiisu ka sameeyo Balaayiin Doolar. wuxuuna Kenyata intaa ku daray in Mirowga loo aqoonsaday mid kamid ah Beeraha wax soo saar ee ugu wanaagsan Kenya, uuna yahay wax soo saar sharci ah.
Dhaqaalahan cusub ee uu Kenyata siinaayo Ganacsatada Mirowga ayaa la sheegayaa inay timid markii Dawladaha Yurub ay mamnuuceen in Wadamadooda la keeno Qaadkaas oo ay u aqoonsadeen mid kamid ah daroogooyinka khatarta ku ah nolosha Bini’adama, Ganacsatada Miraa ayaa lumiyey dhaqaale xoogan tan iyo markii laga mamnuucay in la geeyo Yurub, gaar’ahaan Dalalka Ingiriiska iyo Holland oo siweyn ay u cuni jireen Soomaalida halkaas ku nool.
Beeralayda Qaadka Mirowga suuqa ugu weyn ee ay iminka ka iibsadaan wax soosaarkooda ayaa noqday Dalka Soomaaliya, waxayna sanad walba ka sameeyaan Balaayiin Doolar, Hogaamiyaayasha Mirowga ayaa ku howlan sidii ay usii kordhin lahaayeen qaadka ay u iib-geeyaan Soomaaliya.
Qaadkan ayaa dhibaato xoogan oo dhaqaale,Caafimaad iyo Qoys ku haya Umadda Soomaaliyeed, mana jirto cid isku taxalujisa sidii Wadanka looga joojin lahaa ama looga yarayn lahaa dhibaatadan xoogan ee uu qaadku ku hayo.
Puntland Post