Qarax diley ugu yaraan 30 qof ayaa ka dhacay caasimada Afghanistan ee Kabul

Ciidamada ay weerareen Kooxda Taliban  [Omar Sobhani/Reuters]
Ciidamada ay weerareen Kooxda Taliban   [Omar Sobhani/Reuters]
Kabul(Puntland Post)-Ugu yaraan 30 qof ayaa ku dhintay in ka badan 300 oo kale way ku dhaawacmeen Qarax ismiidamin oo lagu fuliyey Gaari oo saaka ka dhacay Caasimada Dalka Afghanistan ee Kabul.

Qaraxan ayaa lala eegtay Ciidan si gaar ah u tababaran oo katirsan Ciidamada Sirdoonka ee Afghanistan si gaar ahna ugu xil saaran ilaalada Madaxda xilalka sare ka haya Dawlada Afghanistan.

Wararka ayaa sheegaaya in marka uu qaraxu dhacay ay goobtaas ka socotay munaasabad ay ku Qalinjabinaayeen Ciidamo cusub oo tababar soo dhamaystay, Kooxda Falkan fulisay ayaa la dagaalantay Ciidamada markii qaraxu dhacay kadib waxayna taasi suura gelisay in dhamaan la dilo kooxdii weerarka soo qaaday.

Kooxda Taliban ayaa markiiba sheegatay Masuuliyadda weerarkan, waxayna sheegeen inay halkaas ku dileen tiro kamid ah Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Dalka Afghnistan.

Dawladaha Afghanistan iyo xoogaga NATO oo dagaal ba’an kula jirey kooxda Taliban ayaa u muuqda inay ku guul daraysteen ka guulayshada kooxdaas, waxayna Taliban sanad walba Afghanistan ku dishaa boqolaal qof oo iskugu jira Saraakiil katirsan Dawlada Afghistan, Ciidamada reer Galbeedka iyo Dad rayid ah.

Puntland Post