Qaar kamid ah Baarlamaanka Soomaaliya oo dalbanaaya in dib loo dhigo Maamul u samaynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe

Muqdisho(Puntland Post)-In ka badan 40 xildhibaan ayaa u gudbiyey gudoonka sare ee Baarlamaanka Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya mooshin ay ku dalbanayaan in dib loo dhigo hawlaha Maamul samaynta Gobaladda Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe inta lagu jiro mar xaladda kala guurka ah.

Xubnahan Mooshinka gudbiyey ayaa dalbaday in hawlaha Maamul u samaynta labadda Gobal hakad la geliyo, ayna dhamaystirto Dawlada badeli dooonta tan Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud, maadama xiligan lagu jiro mar xalad kala guur ah.

Arintan ayaa shalay Baarlamaanka Soomaaliya ka dhalisay buuq iyo jahawareer weyn taas oo markii danbe sababtay in Gudoonka sare uu ku dhawaaqo in shirka Baarlamaanku xiran yahay.

Xildhibaan Amiin Daahir Jeesow oo kamid ah xildhibaanada sida aadka ah u diidan in Baarlamaanka la keeno mooshinkan ayaa ku tilmaamay wax aan la aqbali karin, isagoo tilmaamay inay Mooshinka gadaal ka riixayaan xildhibaano aan u dhalan labadda Gobal ee Maamulka loo dhisaayo.

Shirka Maamul u samaynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ayaa ka socda Magaalada Jawhar, waxaana ka dhashay khilaaf aad u weyn oo marar badan sababay in gabi ahaanba lagu kala dareero Shirkaas.

Puntland Post