Madaxweynaha Soomaaliya oo shir caalami ah kaga qayb gelaaya Magaalada New York

Madaxweyne Xassan Sheekh oo gaaray New York
Madaxweyne Xassan Sheekh oo gaaray New York

New York(Puntland Post)-Madaxweynaha Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud iyo wafti uu hogaaminaayo ayaa siweyn loogu soo dhaweeyey Magaalada New York ee Dalka Maraykanka, ahna fariisinka Golaha Qaramada Midoobay.

Soo dhaweynta Madaxweynaha waxaa ka qayb galay masuuliyiin sar sare oo katirsan Dawlada Maraykanka iyo weliba saraakiisha Soomaaliya u fadhiya Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay.

Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Da’uud Aways ayaa booqashada Madaxweynaha ee Magaalada New York ku sheegay inuu halkaas kaga qayb geli doono Shir Caalami ah oo ay iskugu imaan doonaan Madax ka socota aduunka lagagana hadli doono Isbadelka Cilmiladda sii xumaanaysa ee Aduunka.

Da’uud Aways ayaa tilmaamay mudada uu Madaxweynuhu joogo New York inuu kulamo gooni gooni la qaadan doono Madaxda Caalamiga ah ee Shirkan ka qayb gelaysa, uuna kala hadli doono wanaajinta xiriirka Caalamka iyo Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa dhawaan  ka qayb galay Shirkii Madasha sare ee Amaanka Afrika oo lagu qabtay Dalka Itoobiya.

 

Puntland Post