Kismaayo(Puntland Post)-Madaxweynaha Dawlada Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo ka hadlaayey dhalinyaradii Soomaaliyeed ee ku dhimatay Badda u dhaxaysa Masar iyo Talyaaniga ayaa ku tilmaamay masiibo xanuun badan oo ku habsatay guud ahaan Umadda Soomaaliyeed.
Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa Madaxda Maamulada dhigiisa ah ka codsaday in la bilaabo olole shaqa abuur oo aad u weyn si dhalinyaradda looga baajiyo aafada tahriibka oo ah wax dhibaato weyn ku ah Guud ahaan Umadda Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa ku baaqay in la joojiyo fursadaha shaqo ee ay Madaxda Maamuladu sida eexda ah usiinayaan Dad dibada laga keensaday, Iyadoo ay Badaha ku dhimanayaan dhalinyaradii markoodii horeba rafaadka wax kusoo bartay. “Waa in fursadaha bannaan ee shaqo la siiyaa dhallinyarada dal-jooga ah, dalka ayeey wax ku barteen xaq bayna u leeyihiin in ay qabtaan shaqooyinka Hay’adaha Dowligga iyo kuwa aan Dawligga ahayn, waa in la joojiyaa shaqaallaha dibadda laga keenayo ee Dalka laga shaqaaleysiinayo, dhallinyarada dalka Jooga hala siiyo fursadaha shaqo si Tahriibta iyo Argagixasadda ay kaga badbaadaan” ayuu yiri Madaxweyne Axmed Madoobe.
Madaxweynaha Jubbaland ayaa ah kan kaliya ee Madaxda Dalka si toos ah shir jaraaid u qabtay ugana hadlay masiibadii ay ku dhinteen Boqolaal dhalinyaro Soomaaliyeed ah, Halka Madaxda kale ee Dawlada Federaalka ah,Puntland iyo Somaliland kaga tacsiyeeyeen Qoraallo aqaladda Madaxtooyada un laga soo saaray.
Dhibaatadda ugu weyn ee sababta tahriibka aafeeyey Dalka ayaa lagu sheega shaqa la’aanta baahsan ee haysata dhalinyarada, iyadoo fursadihii shaqo ee tirada yaraana si aada loo gacan bidixeeyo.
Puntland Post