Madaxweynaha Somaliland oo ka tacsiyeeyey Dhalinyaradii ku dhimatay Bada

Hargeysa(Puntland Post)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(Silaanyo) ayaa tacsi u diray Guud ahaan Soomaaliyeed siiba kuwa Somaliland, dhacdadii xanuunka badnayd ee ka dhacday Bada u dhaxaysa Dalalka Masar iyo Gariiga halkaas oo ay ku dhinteen Boqolaal dhalinyaro Soomaaliyeed oo tahriib ahaa.

Madaxweyne Silaanyo ayaa arinkan ku tilmaamay Masiibo xanuun badan, balse wuxuu sheegay inay ka qorayd xag Alle oo aan marnaba la baajiyeen.

“waxanu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa  guud ahaan qoysaskii, qaraabadii, eheladii iyo asxaabtii ay ka baxeen dadkii ku naf waayey, kuna halaagmay masiibadaa, gaar ahaan inta soomaalida ah, siiba inta u dhalatay Somaliland ee uu xilka gaarka ahi innaga saaran yahay.” ayuu yiri Madaxweyne Silaanyo
Madaxweynaha Soomaaliland ayaa sheegay inay dhacdadani soo dedejinayso wadatashi Qaran oo  dhawaan laga yeelan doono aafada tahriibka iyo sidii loo joojin lahaa.
Dadka reer Somaliland ayaa xukuumada Madaxweyne Silaanyo ku eedeeyey inay ku guuldaraysatay wax ka qabashada aafada Tahriibka, walow ay arintan ka siman yihiin dhamaan dhinicyada Soomaaliyeed.
Puntland Post