Wasiir katirsan Israel oo diiday inuu gacanta ku salaamo haweeynay ah Wasiirka Caafimaadka Faransiiska

Wasiirka Caafimaadka Israel oo diiday inuu salaamay Haweenay
Wasiirka Caafimaadka Israel oo diiday inuu salaamay Haweenay

Wasiirka Caafimaadka iyo Arimaha Bulshada Israel Yaakov Litzman ahna Hogaamiyaha Xisbi Diimeedka lagu magacaabo ultra-Orthodox religious party ayaa diidey inuu gacantiisa ku salaamo Haweynada ah Wasiirka Caafimaadka iyo Arimaha Bulshada Faransiiska oo booqasho rasmi ah maalmihii u danbeeyey ku joogtay Dhulka Yuhuuda.

Ninkan ayaa Jeebka gacanta ka gashaday markii haweynadan gacanta usoo taagtay, Haweynaydan Wasiirada Caafimaadka ka ah Faransiiska ayaa si aada uga xumaantay falkan waxayna eed kulul dusha ka saartay Hay’adda Baratakoolka Dalkeeda oo aan digniin ku aadan Salaanta ninkan siisiin ka hor intaysan u safrin Israel.

Xisbiga uu ninkan Madaxda ka yahay oo ka jawaabay sababta uu u salaami waayey Haweenaydan ayaa ku tilmaamay sababo Diimeed maadama Diinta ay Yuhuudu haysato ee Tawreedka aysan ogolayn bay dhaheen inuu ninku Gacanta ku salaamo qof dumara oo aan ahayn Xaaskiisa.

Maahan Markii ugu horaysay oo uu Wasiirka Caafimaadka Israel oo ah nin si aada ugu adag Diintiisa uu diido inuu gacantiisa ku salaamo Haweenay xil sare ka haysa Dalalka Yurub, sanadkii 2012 ayuu diiday inuu Salaamo Haweenay ah Wasiirka Caafimaadka Dalka Belgium, oo iyaduna falkaas si aada ugu xumaatay una cambaaraysay.

Haweenaydan oo boqotay Dalal Carab ah ayey Madaxda Wadamadaas si caadiya gacanta ugu salaameen, waxayna arintaas la yaab ku noqotay Dadka Islaamka ah maadama Diinta Islaamku aysan ogolayn in Raga iyo Haweenku gacanta isku salaamaan.

Puntland Post