Istanbul(Puntland Post)-Raisul Wasaaraha Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmake ayaa khud bad dheer oo uu kaga waramay Horumarka ay Dawladiisu ku talaabsatay ka jeediyey Shirweynaha Islaamka oo ay Marti gelisay Dawlada Turkiga.
Raisul Wasaare Sharmake ayaa Dawlada Turkiga iyo Madaxweynaheeda uga mahadceliyey marti gelinta Shirkan iyo Sidii ay iskugu hawshay isku soo dhawaynta Dalalka Islaamka ah, wuxuuna sidoo kale Turkiga ku amaanay sidii ay u garab istaagtay Soomaaliya xiligan adag ee ay ku jirto.
Cumar ayaa sheegay iny Muhiim tahay inuu Islaamku noqdo kuwo isku tiirsan oo iska garabsada Mar xalad kasta oo soo wajahda, wuxuuna ku baaqay in loo midoobo sidii Caalamka Islaamka looga dabar goyn lahaa Kooxaha argagixisada oo uu sheegay iny faro kulul ku hayaan.
Dhanka kale Raisul Wasaaraha ayaa siyaabo gooni gooni ah ula kulmay Madaxdii Shirkan ka qayb gashay, isagoo kala hadlay iskaashiga dhex mari kara Dalalkaas iyo Soomaaliya.
Shirkan mudadii uu socday waxaa siweyn diirada loogu saaray qaybsanaanta ka dhex jirta Dalalka Islaamka ah iyo argagixisada aafaysay Wadamada Islaamka.
Puntland Post