Addis Ababa(Puntland Post)-Dablay hubaysan ayaa Gobalka Gambela oo ku yaal xuduuda Dalka Itoobiya uu la wadaago Koonfurta Sudan ku dilay in ka badan 140 qof sida laga soo xigtay Dawlada Itoobiya.
Wasiirka Isgaarsiinta Itoobiya ayaa sheegay inay falkan geysteen qabiil reer Koonfur Sudan ah oo lagu Magacaabo Murle, wuxuuna intaas ku daray inay Ciidamada Itoobiya dileen in ku dhow 60 kamid ah kooxihii soo weeraray gudaha Itoobiya, ayna Ciidamadoodu gudaha u galeen Dalka ay deriska yihiin ee Koonfurta Sudan.
Wasiirka ayaa sheegay in kooxahani weeraro hore ka geysteen Itoobiya balse kani ahaa kii ugu xumaa, wuxuuna tilmaamay Dadka la diley inay u badan yihiin Haween iyo Caruur aan waxba galabsan.
Dhanka kale Dawlada Itoobiya ayaa sheegtay in Dablaydii hubaysnayd ay afduubteen tiro Caruur ah oo ay la galeen gudaha Dalka Koonfurta Sudan.
Weerarkan ayaa ka dhacay degaanka lo yaqaan Jakawa oo katirsan Gobalka Gambela oo xuduud dheer la wadaaga Dalka ay colaadaha sokeeye ka jiraan ee Koonfurta Sudan, wuxuuna Gobalka Gambela marti geliyey in ka badan 284,000 oo ah reer Konfur Sudan kaso cararay Coladaha ka hol-caaya Dalkaas aduunka ugu cusub.
Dawlada Itoobiya ayaa sheegtay inaysan weerarkan wax lug ah ku lahayn Xukuumada Coladaha Sokeeye la daala dhacaysa ee Jubba.
Qaabailka dega xuduuda Itoobiya iyo Koonfuta Sudan ayaa leh taariikh dheer oo xaga colaadaha qabaailka ah, iyagoo iska dhaca Loda iyo mararka qaar Haweenka iyo Caruurta.
Puntland Post